wararka

Dhagayso:Sheekh Xasan Takar iyo Sheekh Jaamac oo Sacdaal Dacwo Ku Maray Sh/Hoose.

Cullimada Diinta islaamka ee Wilaayaadka oo ka run sheegay risaalada ay xanbaarsanyihiin ayaa qaar iyaga kamid ah waxa ay kutubo ka aqriyaan Masaajida wilaayaadka halka kuwa kalana ay socdaal dacwo ah ku tagaan tuulooyinka ka baxsan magaalooyinka.

Sheekh Jaamac Cabdisalaam iyo Sheekh Xasan Takar ayaa gaaray Tuulooyin katirsan Shabeelaha Hoose iyagoo muxaadaraad qayim ah ujeediyay bulshada ay la kulmeen.

Mowduucyo muhiim ah oo waaqici ah dadkuna ubaahnaayeen ayay culimada ku dheeraadeen.

Sheekh Jaamac Cabdisalaam ayaa Umadda kala hadlay Shirkiga iyo Qatartiisa isagoo docda kale kaga naseexeeyay dhaqan la xeriira guurka oo ay adkeeyeen Bulshada.

Sheekh Xasan Takar ayaa umadda usheegay inay ku dhagaan towxiidka kuna camal falaan iyagoo ka fogaanaya dasaatiirta iyo dimuqraadiyada ay ku dhaqmaan dadka iyo dowladdaha.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Culimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*