wararka

Maxaad Ka taqaanaa Magaalada Jamaame.(Maqal+Sawiro)

Magaalada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose Waa magaallo qadiimi ah oo ku caan baxday wax soo saarka beeraha.

xiligii gumeystaha  waxay xarun u aheyd Talyaaniga oo ka xukumi jiray gobalka intiisa kale.

Magaalada Jamaame ayaa lahayd sadax magac waxaana kamid ahaa Margharita oo loogu yeeray jiray xiligii Talyaaniga.

Magaaladaan oo wixii ka danbeeyay dhicistii Dowladii Siyaad Brare waxa ay soo martay dhibaatooyin kala duwan, waxaana haatan ka taliya maamul islaami ah oo hoostaga xarakada shabaabul Mujaahidiin.

Magaaladaan oo uu maro wabiga jubba waxaa ku xeeran Tuulooyin badan.

Qudaar ayay caan ku tahay Magaalada Jamaame,waxaana ku heli kartaa qiimo yar.

Wariye katirsan Idaacadda Alfurqaan ayaa Jamaame ka diyaariyay warbixin uu kaga hadlayo Taariikhda Magaalada, isagoo kusoo gudbinaya codadka waxgaradka Magaalada.

Halkan Ka Dhageyso Taariikhda Jamaame.

Hoos Ka Daawo Sawirada Magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*