wararka

Sidee Loo arkay Khasaarihii Amisom Ku Gaaray Shabeelaha Hoose.?(Maqal)

Xili shalay Ciidamada Shisheeyaha ay ku go’een dagaal ka dhacay shabeelaha Hoose ayaa guusha laga gaaray Macrikadaasi waxaa ka fal celiyay odayaal dhaqan oo haatan ku dhaqan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Iyagoo la hadlayay idaacadda Alfurqaan ayay odayaashu ku nuuxnuuxsadeen inay soo dhaweynayaan jabka Amisom kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay Golweyn ee dulleedka Magaalada Buulo mareer Shabeelaha Hoose.

Odayaasha ayaa Amisom ugu baaqay inay isaga baxdo dalka iyagoo dhiira galiyay dagaal yahanada Alshabaab.

Dhageyso odayaal soo dhaweeyay Jabkii gaaray Amisom.

Si kastaba ha ahaatee 39 Askari oo todobo kamid ah ay yihiin Saraakiil Ciidan ayay Dowladda Ugandha ku weyday dagaal lagu hoobtay oo shalay Ciidamadooda ku qabsaday Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkaasi ayaa qasaaro ahaan ka ak dhaw kii ka dhacay Magaalada Janaale ee lagu soo afjaray saldhigii Ciidamada Ugandha ku lahaayeen Magaaladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*