wararka

Tobanaan Kun oo Dhakhaatiir Ameerikaan ah oo Xaqiijiyay in Donald Trump uu Qabo Xanuun dhimirka ah. (Warbixin)

Sida uu baahiyay Wargeys lagu magacaabo Al-Qabas oo laga leeyahay dalka Kuweyt, kudhowaad 60.000 (Lixdan Kun)  oo dhakhaatiir dhanka cudurada ku dhaca maskaxada ku takhasusay ayaa sheegay in Donald Trump madaxweynaha dalka Maraykanka uu yahay qof qaba cuduro dhanka dhimirka ah.

Dhakhaatiirtan oo kulamo iyo baaritaanno ballaaran sameeyey ayaa ugu dambeyn ogaaday in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu la daala dhacayo xanuun adag oo dhanka dhimirka ah, taas oo keeneysa inaanu u gudan howlihiisa shaqo sidii loogu talagalay.

Dhakhaatiirtan oo ku mideysan magaca “Digtoonida” ayaa sheegay iney doonayaan iney kulmiyaan Dhakhaatiir intan kabadan si ay u gudbiyaan Saxiix ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado Donald Trump, ka hor inta aanu dhicin kulan ballaaran oo goloyaasha dalka Maraykanaka la filayo iney isugu yimaadaan 14 bisha Octobar.

Inkastoo uu jiro xeer ka mamnuucaya Dhakhaatiirta cilmiga durugsan u leh Maskaxada iney sheegaan waalida qof ka dhex muuqda Bulshada, hadana waxay dhakhaatiirtan meel mariyeen sharciyo u fasaxaya arinkaas, taas oo keentay iney ku dhiiradaan in si cad ah ay u sheegaan in madaxweynahooda uu qabo cudur dhanka dhimirka ah.

“ Anagoo ah dhakhaatiir aqoon fiican u leh cilmiga Nafsiga, kuna saxiixan warqadan waxaan cadeyneynaa inagoo kaashanayna Aqoonteena aan u leenayay majaalkan  in Donald Trump uu hayo xanuun halis ah oo dhanka dhimirka ah, kaas oo ka dhigaya inaanu gudan Karin howlaha madaxweyninimada ee dalka Maraykanka, waxaana si ixtiraam ku dheehanyahay u codsaneynaa in xilka laga qaado, sida ku cad Dastuurka oo qeexaya in madaxweynaha xilka laga qaadi karo haddii uu waajibaadkiisu kasoo bixi waayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dhakhaatiirtan oo lagu baahiyay barta ay Facebooka ku leeyihiin.

Dhawaan ayaa saraakiil katirsan Aqalka cad ee Maraykanka waxay xaqiijiyeen in Donald Trump maalin kasta labo jeer loo keeno warbixino iyo Taqaariir lagu amaanayo Shakhsiyadiisa, isagoona aad u neceb inuu daawado ama uu arko warbixino iyo filmaan isaga lagu dhaleeceynayo.

Warka kasoo baxay kumanaanka kun ee Dhakhaatiirtan wuxuu imaanayaa xilli dhawaan filim ay soo saartay mu’assasada Al-Kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab lagu tilmaamay Donald Trump inuu yahay hantiile garaad xume ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*