wararka

Sarkaal Sare oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo La dilay.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen madixii Mina shiibiyada dowladda Federaalka ugu magacaaban degmada Huriwaa oo lagu magacaabo Shaafici.

Shaafici ayaa lagu dilay isla gudaha degmada Huriwaa isagoo ku mashquulisan baadida dadka shacabka ah, waxaana Rasaasta ay ka haleeshay qeybha sare ee jirkiisa, taas oo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo.

Ragga Weerarka fuliyay waxay ka qaateen Masuulkan katirsan maamulka Gobolka Banaadir qorigii uu watay, Si nabad geliyo ku dheehantahay ayayna goobta uga dhaqaaqeen.

Dilalka qoreheysan ee lagu ugaarsanayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa ku sii badanaya magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, waxaana dilalkaas inta badan mas’uuliyadooda sheegta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*