wararka

Xeryaha Barakacayaasha ee Rohingiya.. Sheekooyinka Geerida iyo Dhacdooyinka Qiyaamaha!!

Gudaha Teendho ciriiri ah, aadna u jilicsan ayay ku nooshahay haweeneydan da’da ah ee lagu magacaabo Shaandiidaa, waxaa kula nool Teendhada 7 Ruux, oo dhamaantooda ay wada kulmisay xanuunkii hore, dhibaatada ay hadda la noolyihiin iyo mugdiga mustaqbalka dhow oo aan rajo badan ku taagneyn.

Waxay Shaandiida kasoo barakacday gurigeeda oo ku yaala gobolka Araakaan ee haatan loogu yeero Raakhiin ee dhaca wuqooyi galbeed Miyanmar, kadib markii ciidamada Baarma iyo malleeshiyaadka Buudiyiinta ay gobolkaas ka billaabeen Xamalo milliteri oo ka dhan ah Muslimiinta tirada yar ee Rohingiya 25 Ogosto ee sanadkan.

Markii ay soo gaartay haweeneydan dalka Bangaladesh ee deriska la ah Baarma waxay ogaatay in Caalamku uusan daneyneyn xaaladeeda iyo mida dadkeeda, waxa ugu weyn ee ay halkan ka heli kartana ay tahay Buush yar oo ay kuyaala Kaam ay ku suganyihiin kumanaan Ruux oo baahan, haddii ay aamusaanna aan waxba la siineyn haddii ay wax waydiistaanna la bahdilayo.

Waxay sheegeysaa Shaandiida oo ah haweeney da’ ah aadna u caateysan in raashiinka halkan ay ka heleyso uusan ahayn mid dherjin kara baahideeda, iyadoona intaa ku dartay in Raashiinka aysan si joogta ah u helin, waxa sida joogtada ah usoo gaarana ay yihiin oo keliya Biyo madow.

Cali Xasan oo isna kamid ah Barakacayaasha Muslimiinta Rohingiya ee ku sugan kaamamka Qoxooti ee Bangaladesh ayaa u muuqda mid ka daran Shaandiida iyo xaalkeeda, waxay hal teendho oo qiyaastii 4 Meter ah ay ku wada nool yihiin isaga iyo 11 Ruux, wuxuu leeyahay “ waxaan ku noolnahay Geeri innagoo ay Naftu nagu jirto”.

Teendhooyin:

Teendhooyinkan waxay ku yaalaan Kaam si deg deg ah lagu dhisay oo ku yaala khaliijka Banghaal, oo ah biyo mareen inta badan daadadkiisu ay cagta mariyaan guryaha liita ee halkaas looga dhisay Barakacayaasha, isagona ku dara goobab qashinka loogu talagay.

Goobahan qashinka lagu keydiyo waxay ku yaalaan bartamaha kaam lagu magacaabo Baalkooli2 , waxaana kasoo baxa Qarmuun loo adkeysan Karin, waxaana ka jira wax uusan Banii Aadam horey ugu fakarin oo aysan qalbigiisu kusoo dhicin.

Biyaha iyo Wasakhda kulmay awgeed waxaa halkan ka dillaacay Kaneecada, taas oo rifaneysa Ajsaadda dadkan masaakiinta ah oo aan lahayn difaac jir maadaama aysan helin cunnooyin tayo leh, waxaana qofkii uu soo rito xanuunka Malaariyada la geeyaa goobo caafimaad oo laga hirgeliyay Kaamka kuwaas oo aan dabooli Karin baahida dadka.

Kaamkan waxaa ku nool 15 kun oo Qoys oo ka kooban 70 kun oo Ruux, sida uu sheegay sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Nafiis kaas oo madax ka ah guuto milliteri oo katirsan ciidamada Bangaldesh taas oo kor meerta dadka ku sugan kaamkan una qeybisa gurmadka ay keenaan hay’adaha , kana hortagta in dadka Muslimiinta ay u dusaan gudaha magaalooyinka Bangaladesh.

Waa Dad sugaya qeybinta Raashiin.

Maadooyinka Daruuriga ah.

Taliye Nafiis ayaa sheegaya in hay’adaha kheyriga ah ay dadkan u qeybiyaan raashiinka quutul daruuriga ah sida Bariiska, Saliidda iyo lacag kaash ah oo aad u yar oo u dhexeysa $1 (hal dollar) illaa $2 (laba dollar).

Laakiin helitaanka Raashiinkan ma ahan mid joogta ah, waxaa dhacda marar badan in la waayo, sida ku dhacday qoysas Rohingiyiin ah kuwaas oo kaar Aqoonsi ka helay hay’ad halkaas wax ka qeybisa, waxaana markii ay tageen barxaddii Raashiinka lagu qeybinayay ay ka war heleen Raashiinka oo dhamaaday.

Xaafadaha Kookaas Baazaar ee Bangaladesh oo u dhow kaamamka Qoxootiga ayay yimaadaan kumanaan Ruux oo dad ah, kuwaas oo saacado dheer taagnaada cadceeda Qoraxda, iyagoo sugaya qeybinta Raashiinka, waxaana kuleelka jira awgeed uu dhididku  wada qooyaa dhamaan jirka qofka.

Arimaha la yaabka leh waxaa kamid ah in hay’adaha halkan ka shaqeeya ay 100-kii Ruuxba ugu talagaleen in hal Musqul inay  wada isticmaalaan, waxaana arintan Nadaafad darada ah ka dhashey xanuuno farabadan taas oo keentay in maalin kasta 200 oo Ruux ay xanuunsadaan, iyadoona qaarkood aan xaaladooda caafimaad waxba looga qaban Karin gudaha Kaamamka, loomana ogola iney gudaha Bangaladesh galaan si ay isku soo daaweeyaan.

Loly Moron oo u shaqeysa hay’ad Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo The Hope Foundation ayaa sheegeysa in xaaladda nololeed ee ka jirta Kaamamka Muslimiinta Rohingiya ay ku noolyihiin aan la tilmaami Karin “ Sheekooyinka kaamamkaas waa mid fool xumo badan, xaaladda ka jirtana waa mid liidata oo murug badan” ayay tiri haweeneydan mar ay la hadashey Aljazeera.net

Rajo iyo Caro.

Inkastoo aysan marnaba macquul ahayn in laga caroodo dhibaatadan qadarta Allaah ku timid, ayay sheegeysaa haweeneydan lagu magacaabo Reyxaana in dhibaato kasta oo halkan ku gaarta ay uga wanaagsantahay dhibaatadii ay kula soo kulmeen dhulkooda.

Waxaa fakarkan la wadaaga Xuseyn oo dareemaya Rajo badan kadib markii uu ka badbaaday geerida, wuxuuna doonayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabto tuuladiisa, isagoo ku xiraya hal shardi oo keliya oo ah inuu nabad halkaas ku helo.

Sidoo kale gabadh da’ yar oo lagu magacaabo Nuura Xabiib ayaa deg degsaneysa waqtiga ay ku laaban lahayd tuuladeeda, waxayna sheegeysaa iney ku nooleyd fudeyd isku bedely culeys kadib markii ay usoo carartay Bangaladesh.

Inkastoo dowladda Bangaldesh aysan si wanaagsan usoo dhaweyn dadkan Muslimiinta ah ayaa hadana dhawaan waxay sheegtay in wadahadallo ay la sameysay dowladda Miyanmar ay isku af garteen in tiro dad ah dib loogu celiyo Araakaan, kuwaas oo heli doono amaan.

Dowladda Buudiyada ee Baarma ayaana lahayn wax ballan ah, waxaana tan iyo intii ay soo billaabatay dhibaatadan lagu hayo Muslimiinta Baarma sanadkii 1978 ay dhowr jeer jebisay ballamo ay qaaday oo ah in Muslimiinta ay ku nabad heli doonaan dhulkooda Araakaan.

Xigasho: Aljazeera.net

Tarjamo: Radioalfurqaan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*