wararka

Dhaalibaan Oo Weerar Lala yaabay ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Tababarayaal Ameerikaan ah.

Guuto katirsan Naftood hurayaasha Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay weerar ku qaadeen Akadeemiyad lagu tabaro Booliiska Xukuumadda Kaabul oo ku yaala gobolka Meydaan wardak.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Imaarada Islaamiga, mid kamid ah Istish-haadiyiinta ayaa meel u dhow albaabka laga galo Akadeemiyada wuxuu ku qarxiyay gaari uu watay oo miineysan, kadibna waxaa xirada u daatay rag hubeysan oo katirsan Imaarada Islaamiga ah.

Xerada Akadeemiyada la weeraray waxay ku taallaa deegaan lagu magacaabo Dasht toob oo hoos yimaada degmada Tashak ee gooblka Meydaan wardak.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Dabiixullaahil Mujaahid oo hadal kooban soo saaray wuxuu sheegay in Akadeemiyada ay weerareen lagu tababaro ciidamo gaaraya 2000 oo Askari, waxaana tababarayaal ka ah 250 Ruux oo u badan Maraykan iyo Reer galbeed.

Waqtiga uu weerarku dhacayay waxaa xerada soo booqday Saraakiil sar sare oo katirsan Maraykanka kuwaas oo kormerayay habka uu u socodo Tababarka.

Khasaare lixaad leh ayay sheegtay Imaaradu inuu ka dhashey weerarkaas ay warbaahinta qaar sheegayaan inuu weli socodo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*