wararka

Madaxweynaha Maraykanka Oo Soo Dhaweeyey qab-qabashada ka socota dhulka Xarameynka.

Iyadoo tobanaan Ruux oo ay ku jiraan wasiiro, Saraakiil, wasiiro hore, iyo ganacsata waaweyn dhawaan lagu xir xiray dhulka Xarameynka kadib markii lagu eedayay musuq maasuq iyo wax isdaba marin ayaa dowladda Maraykanka waxay soo dhaweysay tallaabadaas.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ee uu aadka u isticmaalo wuxuu kusoo qoray qoraal uu ku cabirayo sida uu usoo dhaweynayo tallaabooyinka uu qaaday dhaxalsugaha koowaad ee Aala-Sucuud Maxamed bin Salmaan.

“ Waan ku kalsoonahay Boqor Salmaan iyo Dhaxalsugaha Sucuudiga, labadooduba aad bay uga war hayaan tallaabooyinka ay qaadayaan” ayuu Donald Trump kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Arintan ayaa sii xoojineysa hadalo horay ay u sheegeen siyaasiyiin iyo dad wax falanqeeya oo ah in Muxamed bin Salmaan iyo Donald Trump ay ka dhexeyso saaxiibntimo gaar ah, islamarkaana Muxamed bin Salmaan tallaabo kasta oo uu rabo inuu ku qaado ku wargeliyo Donald Trump.

Maalintii Sabtida ayaa dhulka Xarameynka waxaa lagu xiray tobanaan Ruux oo ay ku jiraan wasiiro katirsan xukuumadda Aala-Sucuud, kuwaas oo inta xilka laga qaaday kadibna xabsi la dhigay.

Hay’ad la sheegay iney la dagaallameyso Musuq maasuqa ayaa lagu dhawaaqay, waxaana gudoomiye looga dhigay Muxamed bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha koowaad ee Aala-Sucuud.

Tallaabadan xir xiritaanka ah waxay dadka ku micneeyeen iney tahay mid uu ku doonayo Muxamed bin Salmaan inuu meesha kaga saaro cid weliba oo uu isleeyahay caqabad ayay ku noqon kartaa rabitaankiisa gaar ah oo ay kamid tahay in waqtiyada dhow uu noqdo boqorka guud ee Aala-Sucuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*