wararka

COD+Akhris: Tarjamada Bayaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee QUDUS.

KULANKU WAA BEYTUL MAQDAS.

Waa cinwaanka bayaan ka soo baxay hogaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku saabsan go’aanka maamulka Maraykanka uu QUDUS ugu aqoonsaday Caasimadda gumeystaha Yahuudda.

Rabiicul Awal-1439

Bismillaahi Raxmaani Raxiiim..

Alle ayay mahad u sugnaatay oo kitaabkiisa casiiska ah ku yiri:

وَقَضَيْنَا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ فِي الْكِتَابِ لَتُفْسِدُنَّ فِي الْأَرْضِ مَرَّتَيْنِ وَلَتَعْلُنَّ عُلُوًّا كَبِيرًا 

فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ أُولَاهُمَا بَعَثْنَا عَلَيْكُمْ عِبَادًا لَّنَا أُولِي بَأْسٍ شَدِيدٍ فَجَاسُوا خِلَالَ الدِّيَارِ ۚ وَكَانَ وَعْدًا مَّفْعُولًا

ثُمَّ رَدَدْنَا لَكُمُ الْكَرَّةَ عَلَيْهِمْ وَأَمْدَدْنَاكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَجَعَلْنَاكُمْ أَكْثَرَ نَفِيرًا 

إِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ  وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا  فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ لِيَسُوءُوا وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُوا الْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَلِيُتَبِّرُوا مَا عَلَوْا تَتْبِيرًا

Naxariis iyo nabadgalyana ha ahaato Nabi Muxamed dushiisa Salallaahu Caleyhi Wasalam, ee amiinka ahaa ee xadiith uu Imaamu Muslim ku soo saaray saxiixiisa, oo lagana wariyay Abuu Hureyra Radiyallahu canhu ku yiri: “Saacadda qiyaamo ma istaageyso, illaa ay muslimiintu kala dagaallamaan Yahuudda, muslimiinta ayaana leynaya Yahuuda, illaa Yahuudigu ku gambado geedka iyo dhagaxa gadaashiisa, markaas  baa geedka ama dhegaxa wuxuu leeyahay “Muslimow, adoonkii Allow, kani waa Yahuudi ku jira gadaasheyda, ee kaalay dil, marka laga reebo geedka Qarqadka, kaas oo ah geed Yahuudeed.”

Naxriis iyo nabadgeliyana dushooda ha haato ehelka Nabiga, saxaabadiisa iyo qof weliba oo qaada dhabbaha Nabiga, kuna hanuuna hadyigiisa, illaa laga gaarayo maalinta Qiyaamaha, intaas kadib:

Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray doqonka Aqalka madow, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus –ta muslimadda ah ay tahay  caasimadda banii Sahyuun, sidoo kalana lama aynaan Ashqaraarin sida liidnaanta ku jirto  ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa  wadada ay ku dulleynayaan shucuubta,  kuna ihaaneystaan muqadasaatkooda.

Nasiib darro, kani waa beytul Maqdas oo cataabaya isagoo ku hoos jira gacanta cadowga iyo gumeystaha, waxaana maalin kasta wasakheynaya cagaha Yahuuda qurunka ah, iyadoo uu sare u soo kacayo baroorta iyo qeyla-dhaanta kuwa la dulmiyay ee aan heysanin cid difaacda marka laga reebo mindi yar oo la birqeysa cizzi, iyo howlgal gaari jiirsiin ah oo ka iftimayo ileys gobanimo, taas oo marba marka xigta adkeyneysa in lagu jiro zamanka dhibaatada iyo taag darida. Sanooyin dheer ayaa laga soo gudbay, xaalkuna weli isma bedelin, dhibaatada, iyo hundhursanaantana Umaddu weli kama kicin, balse waxay baaqi kusii ahaatay iney ku tiirsanaato derbiyada cayaayirta, fikirka iyo falanqeynta, kuwaas oo awoodooda ku dhameeyey waxaan waxba soo kordhineynin marka laga reebo talal dheeraad ah iyo dhalanteed iyo is dhex-yaac.

“Waxaan inagu yaqiiinsannahay in Yahuuda, Nasaarada iyo Murtadiintuba yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo waxa dushiisa saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay u soo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadbina ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin –Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka ilaa aan uga gargaareyno Filastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin iney ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka”

Xujadii way cadaatay, Mujaahidiintuna waxay diinta ka fahmeen iyo dardaaranka Nabiga SCW in xalka kaliya ee sharciga ah iyo midka waaqica ah ee lagu xureyn karo Beytul Maqdas uu yahay Jihaadka wadada Allaah, iyadoo lagu dhawaaqayo Nafiir caam ah, xalkaasna waa kitaab wax hanuuniya iyo seyf u gargaarta, waana xalkii Salaaxu-diin Al-Ayuubi u suurageliyay  in uu saliibiyiinta kaga xureeyo masjidka Al-Aqsaa, arintuna ma ahan mid fog oo aan la gaari Karin, balse waa mid kujirta kitaabka Alle iyo Sunnada Nabiga SCW.

Ibnu Cumar waxaa laga wariyay inuu yiri: waxaan maqlay Rasuulka Allaah SCW oo oronaya “haddii aad wax ku kala iibsataan ribada, oo aad qabsataan seynta Lo’da, kuna raali noqotaan beeraha, kana tagtaan Jihaadka, wuxuu Alle idinku ibtileynayaa dulli aydaan ka baxeynin illaa aad uga laabataan diintiina” waxaa wariyay Abuu Daa’uud.

Wadada Wadahadalada Nabadeed iyo gurmad dalbashada liidata ee lagu galo miisaska wadahadalka, iyadoo loo marayo kuwa taagta daran, iyo in la is jecleysiiyo cadow awood iyo hub ku heysta  halkii loo dheelmiyay Nabigeena SCW, waa waddo xiran, waxayna ku dambeyneysaa  Fashil iyo khasaare aduun iyo mid diimeed.

Maanta wuxuu hadalkeena ku wajahanyahay dhamaan Umadda, si aan u xusuusino mas’uuliyada weyn ee dusha ka saaran  dhamaan wiilasheeda, taas oo ah in loo gargaaro Masjidka Al-Aqsaa iyo Beytul Maqdas iyadoo la bixinayo Naf iyo Maal.

Waa kuwan wiilashaada Mujaahidiinta oo gacmahooda u taagay mid kasta oo run low ah oo doonaya u hiilinta diintiisa iyo soo celinta muqadasaatka muslimiinta, waxayna Mujaahidiintu juhdi ku bixiyeen aas-aaska mucaskaraatka Tababarada ee lagu baranayo noocyada dagaalka, waxayna halkaas ku kulmiyeen wax kasta oo uu u baahan yahay qofka muslimka ah marka uu la dagaalamayo cadowga Islaamka. Cudur daar uma harin mid kasta oo dib dhacay, albaabada Jihaadku way badanyihiin, saaxaatkiisuna waa kuwa fara badan oo ku faafsan wadamada Islaamka, inaguna Wallaahi waxaan ka jihaadeynaa bariga Africa, waxaana indhaha ku heynaa Beytul Maqdas, sidaas ayaan kula ballanay walaalaheena taagan dhufeysyada kale ee caalamka, waxaan ku ballanay malaaximta iyo wacdaraha aan ka dhigi doonno dhulkaas barakeysan ee xoogga lagu qaatay, Bi’idnillaah hamigeenu ma daalayo illaa aan cagaheena oo booroobay dhigno barxadaha masjidka Al-Aqsaa, anagoo takbiirsaneyna, oo ku dhawaaqeyna towxiidka, oo Faatixiin ah, markaas ayay Eeyaha Ruum ogaan doonaan inaan nahay wiiilashii saxaabada, oo aan hilmaamin ballanta, kuna raali noqoneynin waxaan ka ahayn guul ama Shahaado.

Beytul Maqdas waa qiblada ay ku wajahan yihiin Mujaahidiinta, kama tagi doonaan, kumana iibsan doonaan qiimo liita, weyna sii wadi doonaan halgankooda ilaa uu Allaah ka idmayo in la furto.

Abuu Daa’uud wuxuu kitaabkiisa sunanka ku soo saaray xadiith laga wariyay Mucaad bin Jabal, wuxuu yiri Mucaad: Rasuulka Allaah SCW wuxuu yiri “dhisida iyo camiridda beytul Maqdas waxay calaamad u tahay baaba’a magaalada Yathrib, baaba’a Yathribna wuxuu calamad u yahay Malaaximta, malaaximtana waxay calaamad u tahay furashada Qusdhandhiiniyah, furashada Qusdhandhiiniyana waxay calaamad u tahay soo bixista Dajaal.”

Waxay laan ka mid ah Jannada u sugnaatay qofkii ku guuleysta, qeybna ku yeesha xaqiijinta ballantaas dhabta ah, waxaana baas u sugnaaday qofkii naftiisa dib dhiga ee dulmiya.

Allow Yahuud iyo Nasaaro way isla qabweynaadeen, Xaqdaro ayayna isku sara-marsiiyeen, ee gabagabadooda waxaad ka dhigtaa gabagabadii Fircoon, Haamaan iyo ciidamadooda oo kale, Allow noo adeegso u nusreynta Al-Aqsaa, iyo furashada beytul Maqdas, adiga ayaa ah mid caziiz ah oo awood badan.

والله أكبر ، ولله العزة ولرسوله وللمؤمنين ولكن المنافقين لا يعلمون..

Rabiicul-Awal 1439.

Halkan ka dhagayso Bayaanka_Hogaanka_Xarakada_AlShabaab_Al-Mujaahidiin Ee_QUDUS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*