wararka

DhagaysoTaqriir: Cali Cabdalla Saalax…waxaa talada ka tuuray Kacdoon wadayaasha, waxaana dilay Xuuthiyiinta.

21-dii Maarso sanadkii 1942 ayuu ku dhashey Cali Cabdalla Saalax tuulada Beytul Axmar ee hoostagta magaalada Sanxaan ee gobolka Sancaa, wuxuuna kusoo koray nolol adag , marka loo eego qoyskooda oo faqiir ahaa, iyo waalidiintiisa oo kala tagay waqti uu isagu aad u yaraa.

Marka laga hadlyo waxbarashadiisa, waxaa la sheegaa asal ahaan in yaraantiisa uu ahaa qowsaar Ari raac ah, isagoona waxbarashadiisa aasaasiga ah ka qaatay macalimiinta tuulada uu ku dhashey ku sugnaa, 1958-dii ayuuna ka tagay tuulada Beytul Axmar, isagoo 16 jir ah ayuuna ku biiray ciidanka.

1960-kii wuxuu ku biiray iskuulka saraakiisha ciidamada qabalka side, kacdoonkii Septembar 1963-dii ayuu uga qeyb galay, taasna waxay keentay inuu dallaco, islamarkaana jagooyin kala duwan ka qabto ciidamada, wuxuu sidoo kale kaalin ku lahaa kacdoonkii loogu magac daray “Go’donkii Todobaatanaadka”  markaas oo boqortooyadii Yaman ay go’doon kusoo rogtay Sancaa 70 maalmood oo xiriir ah, balse ugu dambeyn Jamhuuriyiintii ayaa ka guuleystay boqortooyada.

1964-tii wuxuu Cali Cabdalla Saalax ku biiray madarasada Gawaarida dagaalka ee ciidamada Yaman, isagoona kusoo takhasusey adeegsiga gawaarida gaashaman, sanadii 1975-tii ayuuna noqdtay taliyaha guud ee guutada Taciz, waxaana jagadaas ay siisey awoodo badan oo u suuragelisay Cali inuu ka qeybgalo shirar caalami ah oo ka dhacay dalka dibadiisa isagoo matalaya dalka Yaman.

Kadib markii uu qabtay Cali Cabdalla Saalax hogaanka guutada Taciz wuxuu noqday shakhsiyaadka ugu awooda badan wuqooyiga Yaman, wuxuuna xiriir wanaagsan la yeeshay odoyaasha dhaqanka kuwaas oo ahaa awooda rasmiga ee ka jirtay dalka Yaman.

11-Octobar sanadkii 1979-ki waxaa la dilay madaxweynihii dalka Yaman Ibraahim Al-Xamdi iyo walaalkiisa, lamana oga qaabka loo dilay, waxaana markaas kadib uu Cali Cabddalla Saalax noqday xubin katirsan golaha madaxtooyada, dhimashada madaxweynaha kadib waxaa talada la wareegay Axmed Al-Qashmi, kaas oo isna sanad kadib la dilay, kadib markii qarax loogu xiray boorso uu watay.

Markaas kadib isla sanadkaas waxaa Cali Cabdalla Saalax waxaa loo dhaariyay madaxweynaha guud ee Yaman, isagoona noqday taliyaha ugu sarreeye ee ciidamada, isla sanadkaas waxaa sidoo kale dhacay afgembi lagu doonayay in talada looga tuuro, balse wuu fashilmey, waxaana markaas uu Cali ku dhaqaaqay in taliyaasha ciidamada uu ka dhigo rag ay walaalo yihiin, dhalinyarada deegaankiisa ayuuna inta badan ka dhigay saraakiisha ciidamada, taas oo sii ballaarisay awoodiisa.

22-dii May sanadkii 1990-kii, waxaa koonfurta iyo Yaman oo kala qeybsanaa ay ku dhawaaqeen iney midoobeen, laakiin saddexdii sano ee ugu horeysay midnimadaas waxaa dhacay Iqtiyaalad badan oo loo geystay saraakiil sar sare oo Wuqooyi iyo Koonfur kasoo jeeda, taasina waxay shaki soo kala dhexgelisay labada dhinac ee midoobay, iyadoona khilaafaad iyo dagaallo ay dhaceen, taas oo ugu dambeyn uu ku guuleystay Cali Cabddalla Saalax, Cali Saali Al-biid oo ahaa ku xigeenka Cabdalla Saalax, ka hor inta aan la midoobina ahaa madaxweynaha koonfurta Yaman ayaana isagoo baxsad ah wuxuu tagay saldanada Camaan.

7-dii Julay 1994-tii oo markale ay midoobeen koonfurta iyo wuqooyiga Yaman ayaa markale loo doortay Cali Cabdalla Saalax madaxweynaha jamhuuriyadda Yaman, Cabdi Rabbi Haadi Mansuur oo hadda ah madaxweynaha magac u yaalka ee dalkaas ayaana loo magacaabay ku xigeenka Saalax.

1999 waxaa dalka Yaman uu marti geliyay doorasho madaxtinimo, taas oo ay ku tartameen Saalax iyo nin lagu magacaabo Qaxdhaan Al-shacbi, waxaana kusoo baxay Saalax, sanadkii 2003 isbedel ayuu ku sameeyey Saalax dastuurka dalkaas, kaas oo u ogolaanaya in mar kale uu isku soo sharaxo madaxtinimo oo waqtigeedu gaarayo 7 sano oo xiriir ah.

2004-tii waxaa dalka Yaman ka howl billaabay kooxda Xuuthiyiinta oo gobolka Sacda xarun ka dhigtay, waxayna ku andacoodeen malleeshiyaadkan oo shiico ah iney yihiin dad dulman oo aan waxba laga siin talada dalka, ciidamada Yamaniyiinta ayaana dagaallo aan badneyn kala hortagay kooxdan.

Sanadkii 2011 wuxuu caalamka islaamka gaar ahaan midka carbeed uu marti geliyay kacdoono taariikhi ah oo loogu magac daray guga carbeed, Yaman ayaana nasiib ku lahay kacdoonadaas, waxaana dadkeeda oo u badnaa dhalinyarada ay dhigeen banaanbaxyo waaweyn oo ay ku  codsanayaan inuu talada isaga dego Cali Cabddalla Saalax, dalkana lagu soo rogo maamul dabaqa shareecada Islaamka.

Cali Cabdalla Saalax uma hogaansamin dalabaatka shacabka, wuxuuna ciidamadiisu u adeegsaday qamcinta iyo kahortaga dadka shacabka ah, isagoona sanadkaas ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu dhaafiyo dunida.

Bishii Septembar ee sanadkii 2011 ayuu Cali Cabdalla Saalax kusoo laabtay magaalada Sancaa, kadib safar caafimaad oo uu ku aaday dhuka Xarameynka, waxaana bishii Septbamr uu saxiixay inuu kaa dego talada dalka, kuna wareejiyo maamulka ku xigeenkiisa Cabdi Rabbi haadi mansuur, waxaana loo ballanqaaday inaan lagula xisaabtamin dadkii uu laayay ee shacabka ahaa.

Inkastoo markaas kadib uusan kasoo muuqan waajihadda siyaasadda, hadana waxaa la sheegaa in mar weliba uu joogay, daaha gadaashiisana uu wax ka maamulayay, waxaana kaalin uu kulahaa qorshihii deg dega ahaa ee Xuuthiyiintu kula wareegeen magaalada Sancaa bishii Septembar sanadkii 2014.

Bishii Ogosto ee sanadkii 2016 wuxuu Cali Saalax isasoo dhigay banaanka, kadib markii uu xisbigiisa saxiixay heshiis uu la gaaray Xuuthiyiinta, kaas oo dhigaya in maamul wadajir ah loo sameeyo magaalada Sancaa.

Kadib saddex sanadood oo Cali Cabdalla Saalax iyo Xuuthiyiintu bahwadaag ku ahaayeen maamulka magaalada Sanacaa, ugu dambeyn waxaa soo kala dhexgalay khilaafaad xoogan, taas oo ugu dambeyn keentay in magaalada Sancaa ay marti geliso maalmihii tagay dagaallo waaweyn oo u dhexeeya saaxibadii siyaasadda.

Cali Cabdalla oo maalmihii tagay ciidamadiisu la dagaallamayeen malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa looga adkaaday dagaalka, waxaana lala wareegay gurigiisa, taas oo ku qasabtay in isagoo baxsad ah ka cararo magaalada Sancaa, wuxuuna magaalada kaga baxay sida la ogaaday heshiis hoose oo dhexmaray isaga iyo Xuuthiyiinta oo ay garwadeen ka ahaayeen odoyaal dhaqameed Yamaniyiin ah.

Isagoo maraya deegaan 40KM Wuqooyi kaga began Sancaa ayuu ka dhacay kamiin adag oo ay dhigeen malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo Cali Cabdalla Saalax waxaa gacanta ku dhigay Xuuthiyiinta isagoo nool oo badqaba, kadibna waxya madaxa ka dhufteen dhowr xabadood.

Waxaa la socoday oo lala dilay Xogyihii guud ee xisbiga uu madaxda ka ahaa Saalax Caarif Al-Zuuka, iyadoona illaa iyo hadda la ogeyn masiirka wiil uu dhalay Cali oo safarka ku wehlinayay iyo mid kale oo adeer uu u ahaa, kaas oo katirsan saraakiisha ciidamada.

Warbaahinta noocyadooda kala duwan ayaa aad u hadal haya dilka lama filaanka ah ee loo geystay Cali Cabdalla Saalax, waxaana dilkiisa aad uga nacay xubnaha xisbigiisa, halka ay aad ugu farxeen soona dhaweeyeen Muslimiinta caalamka.

Waxaa la sheegayaa in Cali Cabdalla Saalax uu kusii jeeday ka hor inta la dilin magaala Sanxaan oo uu kasoo jeedo, halkaas oo uu doonayay inuu ka hago dagaalka uu kula jiro Xuuthiyiinta.

Cabdil Malik Al-Xuuthi ayaa ku tilmaamay Cali Cabdalla Saalax hogaamiyihii kooxda khiyaanada, isagoona sheegay in dilkiisa ay gebi ahaanba soo afjari doonto dagaalladii ka socoday Sancaa.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo dul taagan meydka Cali Cabdalla Saalax, iyagoo ku qeylinaya Labeyk Yaa Xuseyn, waxaana ka muuqda farxad aad u ballaaran.

Meydka Cali Cabdalla Saalax ayaa sidoo kale meel lagu heynin, balse siyaasiyiinta qaar ee Xuuthiyiinta ayaa sheegay inuu yaalo mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Sancaa, lamana oga sida ay ka yeeli doonaan Xuuthiyiinta.

Taageeriyaasha Cali Cabdalla Saalax ayaa ku baaqay in loo aargudo hogaamiyahooda, waxaana Imaaraatka lagu soo waramayaa iney u ogolaatay wiil u dhalay Cabdalla Saalax oo xabsi guri ku ahaa dalkaas inuu safro, isagoona markii ugu horeysay tagay dhulka Xarameynka.

Maalmo kahor inta aan la dilin Cali Cabdalla Saalax, wuxuu ugu baaqay dowladaha deriska la ah Yaman iney go’doonka ka qaadaan wadanka, isaguna uu bog cusub oo siyaasadeed la furi doono, waana mida keentay in Xuuthiyiintu ay ka takhalusaan kuna eedayeen khiyaano qaran.

Tani waa dhamaadka iyo marinka ay qaadaan inta badan dhawaaqiida lagu salladay Muslimiinta, horey waxaa u maray kaligii taliskii muslimiinta dhibay ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, maantana waxaa qaaday Cali Cabdalla Salaax, dhamaantoodana waxay dunida ka tageen iyadoo ay Umadu nacladeyso, waana arin mudan iney ku waana qaataan kaligii taliyaasha kale ee weli xooga ku maamulaya Muslimiiinta sida kan Suuriya Bashaar Al-Asad.

Halkan ka dhagayso Warbixin..Saalax waxaa xilka ka tuuray Shacabka, waxaana dilay Xuuthiyiinta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*