wararka

Donald Trump oo Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda!! Dhagayso Warbixin.

Khamiis, 7 Decembar 2017, dhanka kalena ku began 19 Rabiicul-Awal, 1439 hijriyada, wuxuu Donalad Trump madaxweynaha dhimirka qaba ee Maraykanka si cad oo ka gambasho lahayn umuujiyay duulaanka uu ka hayo muslimiinta, wuxuuna soo galay dhufeyskii ugu dambeeyey oo ay tahay inuu wax ku fahmo qof kasto oo u nasab sheegta Islaamka noocuu doonaba ha ahaadee.

Wuxuu jeediyay Trump hadal maalmihii ugu dambeeyey ee tagay aad u hadal hayeen warbaahinta, si qarsoodi ahna ay usoo bandhigeen saraakiil Maraykan ah, kas oo sheegayay inuu doonayo madaxweynuhu in Qudus uu u aqoonsado caasimad ay leeyihiin Yahuudda.

Inkastoo ayba ahayd in go’aankan oo kale la sugin inta uu soo baxayo, ayaa hadana waxaa dhacaday xilli dambe oo xalay ah in Donald Trump uu soo hor istaago warbaahinta, kuna dhawaaqo go’aankan galay baalka madow ee taariikhda marka laga hadlayo dhanka Muslimiinta, dhanka Yahuudana ku tilmaameen inuu yahay maalin weyn oo ay tahay in la xuso.

Sanad guuradii 100-aad oo ay kaso wareegtay markii uu Balfor wasiirkii arimaha dibadda dowladda ingiriiska uu u ballanqaaday Yahuuda inuu dowlad uga dhisayo dhulka Filastiin, waxay mar kale maanta taariikhda diiwaan gelisay in Donald Trump isaguna uu u aqoonsado Qudus iney tahay caasimadda Yahuudda, waxaadba moodaa in lagu tartamayo sidii loo raalli gelin lahaa Yahuuda, iyadoo waxba laga soo qaadeynin carada muslimiinta, maadaama la ogaaday iney ka tageen wixii ilaalin jiray sharafkooda iyo dadnimadooda, kaas oo Al-Jihaadu fii Sabiilillaah.!!

Trump wuxuu sheegay in la gaaray waqtigii si cad oo muuqata loo sheegi lahaa in Qudus ay tahay caasimadda Yahuudda, isagoo intaa ku daray in qararka sheegaya in caasimadda Maraykanka laga soo saro Talla’biib oo la keeno Qudus la qaatay sanadkii 1995-tii, kaliya la waayay madaxweyne ku dhiirada, dabcan marka sidan  uu leeyahay ma ahan inuu ka geesisanyahay kuwii isaga ka horeeyey, balse wuxuu si muuqata u diraaseeyey waaqica muslimiinta iyo madaxda hormuudka ka ah wadamada muslimiinta oo wax weliba ku bedelanaya raalli ahaanshaha Maraykanka iyo Trump.

Ma qarin Trump in wadahadlo badan uu la yeeshey madaxda bariga dhexe, ka hor inta aanu qaadan go’aanakn, taasna waxay muujineysaa in madaxda dunida muslimka ah lagu wargeliyay go’aanka Trump, iyaguna ku waafaqeen, inkastooba aysan diidi Karin amarka sayidkooda Trump.

Ku xigeenka Donald Trump ayaa safar ku mari doona qaar kamid ah wadamada caalamka Islaamka, isagoona la kulmaya madaxweynayaasha, sida uu sheegay Trump, wuxuuna Donald Trump si canaan ah ugu amray  madaxda wadamada caalamaka islaamka iney sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray xagjirka iyo Argigixsada.

Marayknka isagoo dareemaya halista ka iman karta muslimiinta ayuu ugu baaqay muwaadiniintiisa caalamka ku dhaqan iney taxadar badan muujiyaan, islamarkaana yareeyana socodka,

Wasaaradda arimaha dibadda ayaa safaaradaha kala duwan ee ay ku leedahay caalamka ugu baaqday in la adkeeyo amaanka, waxaana jiro halis amni ah oo soo wajahday Maraykanka.

Dowladaha caalamka ayaa intooda badan go’aanka Trump kahoryimid, waxayna ku tilmaameen qaraar halis keenaya, ma ahan in go’aankan ay uga soo horjeedaan iyagoo musliminta jecel, balse waxay muujinayana kaliya in arintan ay kicin karto muslimiinta.

Madaxda carbeed ayaa ku baaqay kulamo ay yeeshaan dhexdoooda, welina waxay ku dhiiran la’yihiin iney si cad oo muuqata uga hor yimaadaan go’aanka sayidkooda Trump, balse waxaaj ira caro badan oo ay muujinayan shucuubta muslimiinta.

Wadamada Turkiga, Lubnaan, Filastiin gaar ahana Qazza,  Urudn iyo meelo kamid ah Washington ayaa banaanbaxyo waxaa isugu soo baxay boqolaal ruux oo muslimiin ah, kuwaas oo muujiyay siday uga soo horjeedaan go’aanka Donald Trump.

Lama oga mulsimiintu in banaanbaxyo iyo wax lamid ah kaga kaaftoomi doonaan qadiyadda Al-Qudus iyo iney dhiig u daadin doonaan darteeda, balse waxa la hubo waxy tahay in Mujaahidiintu yihiin dadka ay ka go’antahay iney naf iyo maalba u huraan masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

Dhinac kale Yahuudda ayaa go’aanka Donald Trump ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana Yahuudu masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa ku dhejiyaan calamada Isaraaiil iyo Maraykanka, Bin yamin Natanyahu ayaa muuqaal uu soo geliyay bartiisa Facebooka wuxuu ugu mahadceliyay Trump go’aanka uu qaatay, isagoona ugu baaqay madaxda kale ee caalamka iney qaataan go’aankaas oo kale.

Rajab Dhayib Orodgan madaxweynaha Turkiga oo inta badan dadku ku eedayaan nifaaq iyo wax isdaba marin, aadna u yaqaana sida loo kiciyo mashaacirta muslimiinta ayaa sheegay in xiriirka uu u jari doono Yahuudda, isagoo iska indha tiray dowladdaa aqoonsiga sameysay oo ah Maraykanka, waxanaa tallaabadan dadka qaar ku tilmaameen mid naf la caari ah oo la isaga indha tirayo halka ay xaajadu ka quransatanahy.

Baraha bulshada ayaa si aad ah looga hadal hayaa arintan, waxayna dadku soo qorayaan fariimo caro leh oo ay ku dalbanayaan in loo kaco sidii loo difaaci lahaa masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa iyo guud ahaan dulka Filastiin.

Halkan ka dhagayso Warbixin go’aanka Donald Trump ee Qudus.lite

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*