wararka

Musaafur Lunsan oo Wadadii Hanuunka Afka saaray…Qiso xiiso badan.(Akhriso+Dhagayso)

Waa habeen adag oo la joogo saxaraha weyn, wuxuu Stephen McGown u jiifaa dhabar dhabar, isagoo indhaha la raacaya xidigaha uu bartey xilligii uu yaraa oo uu ku sugnaa koonfur Africa.

Wuxuu ku fakrayay ciida ugu horeyso ee uu u dabaal degi lahaa, haddii uusan ahaan lahayn la heysto gacanta ugu jira Al-Qaacida.

Horaantii sanadkii 2017, waxaa soo maray ninkan shan sano oo uu ku jiray xabsi, xitaa xilliyada qabowga la door bido in la seexdo saxaraha lama degaanka ah, inkastoo uu ku noolaa meel ballaaran oo waasac ah hadana noloshiisu way xadidneyd oo waxay ahayd mid kooban.

Maalin kasta wuxuu Stephen soo kacaa aroor hore, kahor inta aysan soo bixin qoraxda, si isaga iyo Johan iyo kuwa soo afduubtay ee Mujaahidiinta ah  si wadajir ah salaadda subax uga tukadaan bacaadka saxaraha.

Waxaa markaas kadib xiga raashiin af billow ah oo badanaa ka kooban Khubuz iyo caano booro, markaas kadib maxaabiistu waxay ku laabtaan hurdada, ama waxay sameeyaan jimcsi.

“ waxaan fasax u heysanay inaan ku wareegno deegaan qiyaastii la eg garoonka Twickenham” sidaas ayuu soo xusuusanayaa Stephen.

Waxaa lagu qadeeyaa baasto ama bariis lagu keydiyay bakhaaro waaweyn oo aad loo qariyay, waxaana qadada lagu cunaa hilib Ari, ido ama geel, mararka qaar waxaa hilibka kariya maxaabiista, iyagoo ku dubaya qoryo ama xaabo, balse Jihaadiyiintu waxay jecelyihiin in hilibka loogu kariyo saliid.

Stephen ayaa leh “ Mujaahidiintu way dilayaan oo way cunayaan xayawaanaatka usoo dhawaada xeradooda”.

“ Waxay mar iga codsadeen Jihaadiyiintu inaan gowraco diin diin nagu soo dhawaaday, si taas u suuragasho waxaa shardi ah inaan ku dhufto Ul, si diinku uu madax ula soo baxo, waxaan arkay in arintu ay adagtahay oo aysan sahlaneyn, markaas ayaan iska daayay diinkii, isaguna wuu iska baxay”.

Maxaabiistu waxay maalintii waqtigooda ugu badan ku qaadan jireen teendhooyinka, si ay u nastaan, waxaana markaas ay akhristaan Qur’aanka, iyagoo dhexdooda isku meeriya.

“ Waxaan caado ka dhigtay inaan Quraanka ku akhristo teendhadeyda, sababtoo ah haddii aan ku akhriyo quraanka meel u dhow Jihaadiyiinta way igu qoslayaan, dhawaqa erayada carabiga ah oo aad igu adag darteed” ayuu leeyahay Stephen.

Wuxuu intaa sii raaciyay “ waxaa jiray dad nasoo booqda, kuwaas oo na waydiinaya inaan hormar ka gaarnay xifdinta Quraanka”.

Waqtiyada galbihii dhamaan dadku way leyrsadaan, wuxuuna Stephen isku dayaa inuu kasoo ag dhawaado Mujaahidiinta.

Waxay soo diyaarinayaan oo ay keenayaan Shaah, markaasna waxaa la daawadaa filimaanta Al-Qaacida ay soo saarto, mar marna waxaa la dhageystaa Idaacadda Faransiiska.

Marka la tukto salaadda ugu dambeysa ee waajib ah ayuu Stephen aadaa sariirtiisa, si uu seexdo.

“ Mararka qaar waxaan u baahnaa inaan kaligeyga noqdo, sababtoo ah waxaan ka daalay ciyaartooda, iyo marka ay ku kaftamayaan geerida iyo madax jarista” ayuu leeyahay Stephen.

Wuxuu sii raaciyay “ waxaan ku fakari jiray haddii Ahalkeygu I sugayaan, iyo haddii ay noolyihiin”.

Safarka :

Kahor shan sano, Stephen iyo xaaskiisa Catherine waxay diyaarsadeen fillo ay degaan, si ay ugu laabtaan Johannesburg.

Stephen iyo xaaskiisa waxay isbarteen sanadkii 2006-dii, kolkaas oo labadooduba soo degaan dabaq ku yaala magaalada London. Stephen shaqooyin furan ayuu ka qaban jiray magaalada London, halka Catherine ay ku takhasustay sida caruurta aan hadalka aqoon loo baro hadalka, waxayna la shaqeyn jiray hay’adda caafimaadka ee dalkaas.

Wuxuu leeyahay Stephen “ waxaan halkas Ingiriiska ku lahayn saaxiiibo badan”. Guurkoodana wuxuu dhacay sanad kadib.

Sanadkii 2011, waxay go’aansadeen Stephen iyo xaaskiisa iney u laabtaan Koonfur-Africa halkaas oo labadooduba kusoo barbaareen.

Maadaama da’doodu mareyso 30 sano, waxay go’aansadeen iney aas-aasaan qoys, wuxuuna Stephen jecelyahay in marka uu halkaas tago billaabo in saliid lagu magacaabo Jojoba oo kabaxdo beerta aabihiisa uu suuq geeyo.

Catherine ayaa isku diyaarisay  in wadankeeda ay  aado, balse Stephen wuxuu go’aansaday inuu ku safro mooto, isagoo ka gudbaya qaaradaha Yurub iyo Africa, waxay taas uga dhigneyd Score kama dabeys ah oo ay adagtahay in qof kale sameeyo.

Waxay fakaradan ku dhalatay kadib markii uu daawaday filim Ducementry ah oo kabaxay tvga BBC, kaas oo ay diyaariyeen Ewan McGrego iyo Charley Boorman looguna magac daray Long Way Down.

11-kii bishii October sanadkii 2011 ayuu Stephen kasoo tagay Ingiriiska, isagoo gaaray Faransiiska iyo Spain, wuxuuna markaas kadib marinka Jabalu-Dhaariq uga soo gudbay Marocco, isagoona u weecday dhanka Murutaaniya, kahor inta aanu afka aadin jihada bari ee Maali, 9-kii Novembar.

Intii safarka lagu jiray wuxu Stephen la socoday nin kasoo jeeda Holland oo lagu magacaabo Fokke, mararka qaarna way kala tagi jireen, sababo la xiriira Stephen oo ku mashquulayay shimbiraha jooga duurka.

Kadib markii fiisaha safarka ay ka helaan magaalada Bamako waxay go’aansadeen iney kusii socdaan koonfurta ee dhanka Burkina Faaso, balse daqiiqadii ugu dambeysay ayay go’aansadeen iney raacaan dalxiisayaal ku sii socoday magaalada Tambakto.

Wuxuu soo gaaray Stephen magaalada ganacsiga qadiimiga, maalin kahor inta aanu Fokke imaan, kaas oo mootadiisa ay kusoo jabtay wadada.

Waxay iska diiwaangeliyaan hotel rakhiis ah isaga iyo labo nin oo kasoo jeeda Holland kuwaas oo uu kusoo bartay Marocco. Waxaana sadexdooda markii dambe kusoo biiray dalxiise u dhashey Swidan oo lagu magacaabo Johan Gustafsson iyo mid kaloo kasoo jeeda Jarmalka oo lagu magacaabo Martin.

25-kii November waxay dalxiisayaashu soo kaceen aroor hore, si ay lugta usoo mariyeen magaalada Tambakto, qoraxda ayaa xilligaas soo baxday, waxayna booqdeen suuqa, markii ay soo qadeeyeen ayayna kusoo laabteen hotelka.

Stephen wuxuu ku leysranayay balakonaha hotelka, markii dhowr ruux oo rag ah ay xoog kusoo galeen gudaha.

Intii isku dhexyaaca uu jiray, wuxuu maqlay Stephen qof ku qeylinaya in qof weliba uu galo miiska hoostiisa, wuxuuna Stephen is arkay iyadoo loo jiidayo dhanka baabuur gadaal ka furan.

“ Nin kasoo jeeda Jarmalka ayaa sameeyey iska caabin, markaas waxaan maqlay rasaas ka dhacday baabuurta gadaashiisa” sidaas ayuu leeyahay Stepehen, “ waxaan dadkii kale ku dhahay, waxaan u maleynayaa iney dileen Martin” ayuu kusii daray Stephen.

“ Waxaa jiray nin gacanta ku sitay bastoolad, midna banaanka ayuu qori Ak kalashinkov la taagnaa, waxaan u maleeyey inay Police-ka yihiin”.

Duurka:-

Malcolm McGown wuxuu ku sugnaa gurigiisa ku yaala magaalada Johnesburrg, markii uu soo dhacay teleefankiisa, wuxuuna sugayay inuu maqlo codka wiilkiisa.

“Maalmo kahor ayuu naga soo wacay dalka Maali”,  sidaas ayuu yiri Malcolm.

Waxaan xusuustaa isagoo leh “ Aabe anigu iskuma dayayo inaan noqdo Actar ama geesi, haddii aan arko wax khatar ah, waxaan soo raaci doonaa diyaaradda ugu horeysa si aan u imaado gurigeyga” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Malcolm oo ah aabaha Stephen.

Taas bedelkeeda, hooyada dhashey Fokke ayaa teleefan kasoo direysa dalka Natherland, waxay I waydiisay haddii aan ahay aabaha Stephen, waxay intaa ku dartay Stephen Alqaacidada Maqribul Islaam ayaa gacanta ku dhigay.

Warkan wuxuu ku noqday Malcolm lama filaan, wuxuuna garan waayay wuxuu qabto.

Wuxuu la xiriiray Malcolm mu’assasaat badan oo katirsan dowladda, wuxuu leeyahay “ ma helin wax jawaab ah, ugu dambeyna waxaan la hadlay Idaacad, anigoo weydiistay nambarka dowladda”.

Teleefan ayuu u diray gabadhiisa oo la fadhida Catherine xaaska Stephen, kuwaas oo joogay London, wuxuuna ku wargeliyay warka soo gaaray, Catherine ayaa leh “ maalmihii hore inbadan ma seexanin”.

“ Inkastoo aan walaacsanaa hadana waxaan dareemayay farxad, waxaana u maleynayay Stephen inaan arki doono isbuucyo yar kadib, caqligeyga ma xamili Karin in Stephen uu iga maqnaan karo bilo kabadan” sidaas waxaa yiri Catherine oo ah xaaska Stephen.

Halkaas Maali wuxuu Stephen ku sugnaa saxaro ballaaran oo ku yaala dalkaas.

Wuxuu leeyahay Stephen “ raggii saarnaa gaarigeena waxay la xiriireen gaari kale, 15 saacadood oo xiriir ah ayaana ku soconay dhanka Wuqooyi”.

Waxaa lagu qasbay saddexdii maxbuus iney Inbidhaax ama xabad xabad ugu jiiftaan baabuurka, waxaana jug jugta gaariga ay waxyeelo gaarsiisey indhaha Stephen mid kamid ah, halka Sjaak ay waxyeelo ka gaartay bidaarta.

Telly oo ahayd xaaska Sjaak lama socon, waxaana raggii wax afduubayay ay kaga dhuumatay teendho ku taallay dhinaca hotelka, iyaguna raadkeeda ma raacin, oo ma arkin.

Wuxuu sheegayaa Stephen inaanu moodeyn “ in safarku ahaa mid waaqici ah”.

“ Waxana watay labo baasboor, markii aan ogaaday in baasborka Britishka uu ku jiro jeebkeyga gadaal, dhiiga ayaa ku qaboobay xididadeyda, waxaan ogaa wixii ku dhacay la heystayaal hore oo u dhashey dalka Ingiriiska “ waxaa sidaas leh Stephen.

Faracan katirsan Al-Qaacida wuxuu ka dhex dhashey jamaacaad islaami ah oo la dagaallamayay xukuumadda Aljeeriya sagaashamaadkii , isagoona markii dambe xooga saaray inuu afduubto muwaadiniinta kasoo jeeda wadamada reer galbeedka, kuwaas oo uu ku bedelanayo maxaabiis islaamiyiin ah mararka qaarna lacago madax furasho ayuu ka qaataa.

“ English jac bur ah iyagoo adeegsanaya, ayay nagu yiraahdeen idin ma dili doonno, laakiin waxaa laga yaabaa in hadalkaas ay u yiraahdeen iyagoo doonayay inaanan muujin wax iska caabin ah, oo aan sameyno waxay iyagu rabaan, anagu waan naxsaneyn, argagax badan ayaana naga muuqday” waxaa sidaas leh Stephen.

Intaas wuxuu ku daray “ galabtii ugu horeysay waxay horteena ku gowraceen neef, waxaan xusuustaa waxaan ku fakaray markaas “ haa sidan ayaa adigana kuu dambeysa”.

Markii  ay arkeen bassborka Stephen ee Britishka ah, waxay raggii wax soo afduubay ee Mujaahidiinta ahaa billaabeen iney sujuudu shukri kula dhacaan bacaadka.

“ Aad bay u yaabnaayeen, wayna farxeen, waxaan u cadeeyey inaan ahay muwaadin kasoo jeeda Koonfur Africa, dhalasho ahaan iyo thaqaafo ahaan labaduba, balse waxay billaabeenba iney iigu yeeraan inaan ahay British, taas oo I cabsi gelisay” ayuu yiri Stephen.

17 Jihaadiyiin ah oo ku hubeysan qoriyaasha AK47 iyo Bambaanooyin ayaa ilaalinayay maxaabiista saddexda ah.

Waxaa waajib ahayd in looga fasax qaat muqsul aadista, goobaha ay ka deganyihiin teendhooyinka ayayna labo todobaad oo kasta kadib bedeli jireen, indhaha ayaana u xirnaa.

Isbuucyadii hore waxay maxaabiistu is weydiin jireen, in la dili doono iyo iney sii noolaan doonaan, waxay sido kale iswaydiin jireen halka ay joogaan iyo haddii ay suuragal tahay iney baxsadaan.

Wuxuu leeyahay Stephen “ mid inaga naga mid ah ayaa dhihi jiray waan baxsanayaa, anaguna waxaan u sheegi jirney arintaas dhibaatada ay u keeni doonto kuwa kale, sidoo kale waxaan u sheegi jirney inaan aqoonin luuqadda, ogeyna halka aan biyo ka heli doonno” waa haddii ay isku dayaan iney baxsadaan.

Johan wuxu ku fakari jiray in wadahadalladu ay qaadan doonaan waqti dheer, Stephen iyo Sjaak-na aad buu u badnaa tafaa’ulkooda, sidoo kale Malcolm oo ah aabaha Stephen oo la kulmay Korneel katirsan Booliiska oo qaabilsan arimaha la heystayaasha ayaa isaguna  wuu Tafaa’ul badnaa.

Wuxuu leeyahay Malcolm “ waxaa suuragal ah in maxaabiista sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daayo, waxaana rajeyneynay in Stephen uu soo baxo bisha February ama March sanadka 2012”

“ kadib Afgembi milliteri oo  ka dhacay Maali, isku dayadiina way joogsadeen”.

Nolosha ka jirta Xabsiga:-

Marso sanadkii 2012, dowladda Maali talada ayaa laga tuuray, isla xilligaas kooxaha Dhawaariqda waxay la wareegeen magaalooyinka dhaca wuqooyiga,  balse Jamaacaatka Jihaadiga oo ay ku jirto Al-Qaacida ayaa iyagana kala wareegay gacan ku heynta magaalooyinkaas.

Fowdada iyo isku dhexyaaca dartii, waxaa jarmay xiriirkii ragga wax afduubtay, qoyska Stephen-na waxay ku qasbanaadeen iney sugaan mudo, taas oo sababtay in bilo xiriir ah wax war ah laga waayo Laheystayaasha.

Bishii July muuqaal ayaa lagu baahiyay Youtube-ka, waxaana kasoo muuqday Stephen iyo Johan oo leh gar dhaadheer, mid welibana gacanta ku heysto warqad A4 ah.

Waxaa gadaal ka taagan 4 dagaalyahan oo wejiyada u duuban, aadna u hubeysan.

Wuxuu Stephen videoga ku dhex leeyahay “ waxaan maanta gudoomey fariin iiga timid wadankeyga, waan wanaagsanahay, waxayna noola dhaqmayaan qaab wanaagsan”.

Waxaa fariinta soo qoray Ehelkiisa, balse fursad uma helin inuu akhriyo, waa laga qaaday kadib markii Kaamirooyinka la damiyay.

Wuxuu leeyahay Stephen “ waxaan dareemay inaan been kahor sheegay Kaamirada”.

Laheystayaashu waxay soo duubeen 15 Filim, balse qeyb yar unbaa soo gaaray Caalamka.

Wuxuu leeyahay Stephen “ mid ayaa noo imaanaya, kaas oo nooga sheekeynaya sida ay wadahalladu u socdaan, wuxuu naga codsanayaa inaan waydiisano dad cayiman taageero, iyo inaan u mahadcelino kuwa kale”.

Stephen wuxuu go’aan ku qaatay inuu xiriir wanaagsan la yeesho kuwa heysta.

Wuxuu leeyahay “ Inkastoo ay iman jireen hadana bixi jireen, oo qaarkoodna ay dhimanayaan, kuwa kalena lasoo askareynayo, hadana intooda badan marar badan ayaan arki jiray”.

Waa mid kamid ah asbaabihii ku keenay Stephen inuu qaato diinta Islaamka, kadib lix bilood markii ay kasoo wareegatay afduubkiisa.

“ Waxaan  go’aansaday inaan Saxaraha geli donin anigoo sugan, hadana kasoo baxo anigoo burbursan oo neceb dadka”.

“Waxaan ahaa Kirishtaan, qisas badan oo Islaamka kujirtana waa laga helaa Nasaarada, diinta ayaa xasilooni igu siisey Saxaraha,” sidaas ayuu leeyahay Stephen.

Sjaak iyo Johan ayaa sidoo kale qaatay diinta Islaamka, dhamaantoodana waxay dareemeen markii ay islaameen kadib iney wanaagsanaatay tacaamulka ay kala kulmayeen Mujaahidiinta.

Waxay si wadajir ah wax ula cunayeen, ulana tukanayeen ragga soo afduubay, waxayna bareen erayo carabi fasiix ah, si ay u fahmaan Qur’aanka kariimka.

“Inta badan waxaan ku baran jiray tilmaamaha, iyo anigoo xifdinaya kalimaatka, waxaana shax sawir lagu sameyn jiray bacaatka” sidaas ayuu leeyahay Stephen.

Markii uu islaamey kadib, waxaa Stephen loo ogolaaday inuu akhriyo fariinta uga timid qoyskiisa.

Wuxuu leeyahay Stephen “ arintaas waxay ahayd mid Nafta xiisa gelisa, waxay ii sheegtay xaaskeyga iney ka qeybagashay xaflad aroos, islamarkaana ay juhdi weliba ku bixin doonaan sidii la igu sii deyn lahaa” .

January 2013, ciidamada Faransiiska ayaa soo galay Maali, iyagoo ka jawaabaya baaqa madaxweynaha Maali, waxayna si dhaqsi ah ula wareegeen magaalooyinka Gao iyo Tembaktu.

Tani waxay ahayd saacadii ugu madoobeyd, oo uu Stephen ogaaday inaan lasii deyn doonin.

Wuxuu ogaaday in dowlado yar ay ogolyihiin in wadahadal lala galo AlQaacida, iyagoo ciidamada reer galbeedka kula dagaalamaya Maali.

“ Majirin cid lacag iga bixineysa, sababtoo ah waa lacag la siinayo Mujaahidiinta”.

Hadda la heystayaashu todobaad weliba way guuraan, Johan-na wuxuu isku dayayaa inuu baxsado.

Wuxuu leeyahay Stephen “ waxaan u maleeyey inuu waalanyahay, ma fahmin Africa iyo masaafada sugeysa, maalintii labaad-ba way soo celiyeen”.

Stephen iyo Sjaak waxaa lagu eedayay iney wax la ogaayeen Johan, inkastoo ay inkireen iney wax ka ogaayeen hadana sadexdoodaba waxaa laga qaaday alaabihii shakhsi ahaan ay u heystaan, oo uu ku jiro qaamuus faransiis ah, waraaqo uga yimid ahalladooda, iyo qalabkooda caadiga ah.

“Waan carooday, sababtoo ah Johan  ayaa ahaa qofka keliya ee alaabtiisa soo ceshtay”.

Sanad kadib Sjaak waa laga waday Stephen iyo Johan sabab la’aan.

Wuxuu leeyahay Stephen “ qof ayaa teendhada aan fadhinay noogu soo galay, wuxuuna ka codsaday Sjaak inuu soo qaato boorsadiisa”.

Waardiyayaashu ma cadeynin halka loo waday Sjaak, iyaguna waxay is tuseen in weli uu ku suganyahay Maali, Stephen wuu diidi jiray inuu rumeysto wararka ku saabsan in mardhow lasii deyn doono oo ay u sheegi jireen ilaalada xabsiga.

Wuxuu leeyahay “ Farxad ayaad dareemeysaa…kadibna waxaad ogaaneysaa in arin un ay bedeshey jawiga”.

“Markii hore waxaan ku fakari jiray inaan ka qeybgalo dabaaldega dhalashada hooyaday, fikradaas waxay isku bedeshey inaan shan sano kadib tago gurigeyga, ma awoodin in arimuhu iga dhaadhacaan maalinba maalinta ka dambeysa ama bilba bisha ka dambeysa” ayuu leeyahay Stephen.

Stephen wuxuu ka cabsi qabay in qoyskiisu ay iska hilmaamaan, xaaskiisana ay nin kale guursato.

“Waxaan wanaag u rajeynayay Catherine, waxaan ku dhaweyn inaan caruur dhalno, halkaas ayay rajadu ku xirneyd” ayuu leeyahay Stephen.

Wuxuu intaa ku darayaa “ ma dooneynin inaan nolosheeda xayiro, waxaana go’aansaday in aan ku raali noqdo haddii nin kale uu meesha soo galo, waxaana aad u rumeysnaa in arintaas ay dhaceyso”.

Iskacaabinta:-

Waxay Catherine oo hadda degan Johannesburg  ku dadaali jirtay iney sidii uu ku ogaa ninkeeda  sii ahaato.

Waxay leedahay “ waxaan billaabay shaqada ah inaan ilmaha aan hadlin ka saacido hadalka, arintaas waxay iga saaciday inaan inbadan mashquul noqdo, oo aan barto qoysas wanaagsan”.

Waxay intaa ku dareysaa “ waxaan heystay qeyb yar oo rajo ah, inkastoo xaaladdu ay xumeyd”.

Isla waqtigaas Aabaha Stephen wuxuu isku dayay in wadahallada lagu sii deynayo wiilkiisa ay sii socdaan.

Wuxuu isku dayay inuu helo qof dhankiisa wadahadal ka gala, oo ka madax banaan dowladda, isagoo raadinta arintaas ku jira ayuuna marar badan khaladaad ku dhacay, wuxuuna hanta badan siiyay rag isugu sheegay iney awood ballaaran leeyihiin, balse sidaasi ma ahayn.

“ Mid ayaa wuxuu sheegtay inuu garanayo qof katirsan bisha cas, kaas oo wiilkeena la hadlay, balse wuxuu doonayaa hanta  badan, waxaan ugu jawaabay inaan lacago badan bixinayo haddii ay ii sheegaan magaca Eeyga uu lahaa wiilkeyga, arintan ayaan ku carqaladeeyay, culeesna kusoo rogtay” ayuu leeyahy Stephen aabihiisa.

Malcolm wuxuu bartay hay’ad samafal oo lagu magacaabo Hibatul waahibiin, hay’adan waxay ku guuleystay in Al-Qaacidada Yaman ay wadahadal la gasho, soona deyso  muwaadin Koonfur Africaan ah oo lagu magacaabo Yolande Korkie.

Wuxuu Malcolm xiriir dhow la yeeshay Diktoor Imtiyaaz Suleymaan, isagoo wakiil ka ah wiilkiisa.

Dr Imtiyaz Suleiman

Suleymaan ayaa ogolaaday inuu saacido, waxaa fashilmey wadahadalkii koowaad oo loo maray xafiiska hay’adda ee Murutaaniya, wuxuuna aabaha Stephen dareemay naxriis markii Al-Qaacida ay baahisey filim muujinaya inuu noolyahay Stephen bishii June sanadkii 2015.

“ Waxaan filimka ka fahmey in kuwa heysta wiilkeyga ay wadahadal doonayaan” ayuu leeyahay Malcolm.

Wuxuu idaacad Koonfur Africa ku taalla ka sheegay inuu doonayo qof kasta oo maali kasoo jeeda, oo awooda inuu wadahadal la galo Al-Qaacida.

Waxaa baaqaas ajiibay nin Maaliyan ah oo lagu magacaabo Muxamed Iihi Diiko, Maali ayuuna aaday bilo kadib.

Isbuuc gudihiisa mid ayaa lasoo xiiray Diiko oo yiri “ waxaan gargaaracay Albaabka saxan”.

“ Waa arin qaadaneysa waqti, waxaana la adeegsanayaa fariimo gacanta lagu qoray, ee ma ahan Teleefon ama Email” ayuu leeyahay Imtiyaaz Suleymaan.

November 2015, wuxuu Stephen kasoo muuqday filim isagoo u mahadcelinaya hay’adda Hibatul Waahibiin, dadaalka ay ku bixineyso sidii loo sii deyn lahaa.

Wuxuu Stephen muuqaalka ku dhex yiri “ Xaaskeyga iyo ahalkeyga waxaan u sheegayaa inaan wanaagsanahay, idinkana waxaan idin rajeynayaa inaad sidaas tihiin, ogaadana inaan mardhow idin arki doono, waxaan rumeysanahay iney jirto hay’ad saldhigeedu yahay Koonfur Africa oo u sacyineysa in la isii daayo”.

Markii uu muuqaalka cusub soo baxay kadib, wuxuu Suleymaan qaaday ol ole cusub, isagoona xoolo u iibiyay dadka degan meelaha u dhow fariisimiyaasha Al-Qaacida ee Maali.

Waxay Jamciyadu xoolo badan u iibisay dadka deegaanka, iyadoona u qeybisay raashiin, ceelal biyood ayayna qoday, ugu dambeyntiina odoyaasha dhaqanka ayaa go’aansaday iney Al-Qaacida kala hadlaan sii deysmada maxaabiista, balse mar kale wadahadlakaas wuu fashilmey.

Wuxuu Malcolm sii waday halgankiisa uu ku doonayo inuu kusoo daayo wiilkiisa, dhanka kalena uu la tacaalo xaaskiisa oo la jiiftay xanuun kaga dhacay sambabaha, Oxeygeyn-na lagu xiray.

“arintu way adkeyd, laakiin wax weliba oo awoodeyda ah ayaan ku bixiyay inaan la tacaalo” ayuu leeyahay Malcolm.

Wuxuu Malcolm fariin uu u diray Yacquub Zooma madaxweynaha koonfur Africa, taas oo uu kaga sheekeynayo dhibka heysta iyo xanuunka xaaskiisa, wuxuu leeyahay Malcolm “ waan rumeysanahay inuu akhriyay fariinteyda, markaasna uu go’aansaday iney ku dadaalaan sidii loo sii deyn lahaa Stephen”.

December 2016, waxaa Stephen soo gaartay fariin uga timid dowladda koonfur Africa.

Wuxuu leeyahay Stephen “ Mujaahidiintu aad ayay u saameysay fariintan timid, waxayna rabeen iney ogaadaan waxa ku qoran”.

Fariinta waxay soo tabisay in hooyadiisa ay xanuunsantahay, dowladuna waxay Al-Qaacida ka codsatay in lasii daayo Stephen si naxriis leh, warkaas ah xanuunka hooyada Mujaahidiinta wuu saameeyey.

June 2017, waxaa loo sheegay Stephen maalin uu soomnaa kadib in Johan uusan joogin, islamarkaana lasii daayay.

Wuxuu yiri Stephen “ aad baan u farxay, sababtoo ah waxaan ogaaday in wadahadalladu ay isbedel keeni karaan, ayna suuragal tahay in dadka lasii daayo”.

Stephen iyo Johan ayaa sanad kahor waxay maqleen ishaacaad sheegaya in Sjaak ay sii daayeen ciidamo faransiis ah, marka waxay ka dhigantahay in Stephen kaligiisa uu markan kusoo haray xabsiga.

Mar dambe waxaa isagana loo sheegay in lasii deyn doono.

Wuxuu leeyahay Stephen “ warkaas ma rumeysan, waxaana waydiiyay suurtagalnimada in la isii daayo, jawaabtuna waxay noqotay 60%”.

Maalmo kadib, Stephen waxaa la geliyay safar saxaraha ah, labo maalin iyo bar ayuuna socoday gaariga, ugu dambeyn wuxuu gaariga istaagay wadada macbad oo u dhow magaalada Gao.

Mardambe shir jaraa’id oo Stephen uu qabtay wuxuu ku sheegay “ inuu fiiriyay darawalkii, kaas oo ku yiri, hadda waxaad tahay xur, waad bixi kartaa”.

Wuxuu u maleeyey Stephen in darawalka uu la kaftamayo, markaas baa wuxuu darawalkii yiri “ haddii aadan I rumeysaneynin soco oo dhaqaaq, horay u soco”, waan fakaray waxaan is iri “ arintu kaftan way ka weyntahay” ayuu sii raaciyay Stephen hadalkiisa.

Gaari kale ayaa yimid, Stephen-na gaarigaas ayuu ku wareegay, markan ayuu ogaaday inuu xur yahay.

Waxay ahayd laxdaad uusan hilmaami Karin, islamarkaana uusan istiicaabi Karin, sababtoo ah waxa jiray isbedello dhowr ah oo dhacay shantii sano iyo barkii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn wuxuu noqday Xur :

29-kii July sanadkii 2017, wuxuu Stephen kusoo laabtay magaalada Johannesburg, kadib markii lagu sameeyay baaritaan caafimaad, su’aalana la waydiiyay, intii uu kusoo jiray safarka uu ugu soo wajahnaa gurigiisa looma ogolaan inuu la hadlo ehelkiisa.

Wuxuu leeyahay Stephen “ waxaan waydiiyay dadkii ila socoday, gurigeyga miyuu burbursanyahay? Waxay iigu jawaabeen “ yaab badanaa, miyuusan saxaraha lama degaanka ahi qurux badneyn”.

Markii uu toban daqiiqo usoo jirsaday gurigiisa ayaa lagu yiri, hooyadaa waxay geeriyootay labo bilood kahor.

Inkastoo maalmo uu xur ahaa, hadana xaaskiisa iyo Aabihii waxay ogaadeen in lasoo daayo saacad kahor inta aanu guriga iman.

“Waa maxay macnaha ay tahay inaan xusuusto, ma waajib bay igu tahay inaan ilmeeyo?”

“Markii ugu horeysay anigoo saaran gaariga ayaan arkay Aabe, indhaheygana waxaa buuxiyay ilin, Ooyin ayaana billaabay, arintaas mid wanaagsan bay ahayd, ma rumeysan xaqiiqatan waxa dhacay” ayuu leeyahay Stephen.

Stephen ayaa guriga soo galay, iyadoo Catherine ay isku diyaarineyso iney garoonka uga hortagto, wuxuu leeyahay Stephen “ ma ogeyn iyadu inaan guriga imid, dhar ayay diyaarsaneysay si ay garoonka iiga hortimaado, aad ayay u qurux badneyd, wax wanaagsan ayayna ahayd inaan indhaha saaro Catherine”.

Waxay Catherine leedahay iyadoo ka sheekeyneysa isbedelka ninkeeda “ aad ayuu isku bedeley, balse weli dhoolacadeynti ballarneyd ee aan ku aqaanay wuu leeyahay”.

Kadibna gacmaheeda ayay wejiga ku daboolatay, waxayna billowday iney ooyso.

“Wuxuu ahaa mid leh timo dhaadheer oo adag, wuxuuna watay dharka saxaraha, kaas oo I cabsi geliyay” ayay sii raacisay hadalkeeda Catherine.

Markiiba Catherine waxay la xiriirtay Imtiyaaz Suelymaan si ay ugu wargeliso in Stephen uu guriga joogo.

Wuxuu Stephen la yaabanyahay dhibaatada maqnaanshihiisa dheeraa uu ku keenay ahalkiisa, illaa iyo hadana ma oga sababta lagu soo daayay, balse wuxuu ogyahay in wargeyska Newyork Times uu soo daabacay in dowladda Koonfur Africa ay bixisey lacag gaareysa 4.2 milyan oo dollar, dolwadana sheegashadaas aad ayay uga soo horjeedaa, una inkirtay.

Stephen inkastoo wixii dhacay ay badanyihiin, hadana wuxuu aad ugu mahadcelinayaa cid weliba oo ka qeyb qaadatay sii deysmadiisa, wuxuuna leeyahay “ taxadiga ugu weyn ee hadda I hortaagan waa inaan ku laabto nolosheydii hore”.

Wuxuu leeyahay Stephen “ waxaa jira dhibaato aan la kulmayo, sida inaan furto accounno aan ku lahaa bankiyada, iyo inuu iska daweeyo dhabarka iyo mid kamid ah indhaha oo qoraxdu ay waxyeeleysay”.

Marka laga hadlo farxadda sii deysmada ugu horeyntii, wuxuu dareemayaa afkaar badan iyo cawaadhif dheeraad ah, oo uu jeclaan lahaa in waqtiga ay ku dhex qarsoomaan.

“Waxaan dareemayaa kalsooni daro ah inaan fahmi Karin booskeyga” ayuu leeyahay Stephen.

Stephen wuxuu la hadlayaa Warbaahinta, kadib markii lasoo daayay:-

Wuxuu rumeysanyahay Stephen in hadda ay tahay marxaladii laga adkaan lahaa waxyaabaha ad-adag, wuxuuna sheegayaa iney mashquulineyso caadhifad uu dareemayo, oo aan ahayn middii uu lasoo qabsaday ee isbed bedelka ku dhisneyd.

Wuxuu hadda loolan kula jiraa macluumaadka isasaaran ee xiriirka ah,  kadib sanoyin dheeraad ah oo uu kusoo qaatay Saxaraha, wuxuuna culees ka saaranyahay xiriirka dadka.

Culees ayaa ka jira inuu dooqiisa ka hadlo, wuxuuna leeyahay “ sheekada saxaabideydu waa “ mieysyan Qaxwadan wanaagsaneyn?”, marka laga hadlo dhankeygana sheekadeydu waa “ habeen hore waxaa jiray dabeylo adag”.

Sidoo kale luuqadiisa Englishka way liidataa hadda, wayna ku adagtahay inuu helo erayada munaasabka ku ah waxa uu rabo inuu ku hadlo.

Waxay leedahay xaaskiisa “ inkastoo isku dhex yaac uu dareemayo, hadana si guud waxba iskama bedelin”, waxay intaa ku dareysa “ weli wuu iga qosol siiyaa, taas ayaana ah waxaan jeclahay”.

Wuxuu sheegayaa Stephen in waxyaabaha ugu jeclaa ay kamid ahayd, in teendhooyinka la galo marka ay dabeyluhu jiraan, ama geedaha hoostooda la galo marka uu kuleylku daranyahay.

Wuxuu isku dayayaa inuu buuxiyo waqtigii kaga baxay xabsiga, wuxuu hadda bartay wiil iyo gabar ay walaashiisu dhashey, intii uu joogay Maali.

Stephen ayaa go’aansaday in isaga iyo aabihiisa ay ku safraan mooto.

“ Waxaan rabaa inaan ku booriyo inuu soo fuulo, sababtoo ah caafimaadkiisa ayay u wanaagsantahay, waxaa qasab ku ahayd inuu is waafajiyo shaqadiisa, xanuunka hooyo, iyo afduubashadii la ii geystay, iyadoo ay saas tahayna wuxuu ahaa qof wanaagsan oo Iijaabi ah, waa qof mudan ku dayasho aan xad lahayn” ayuu leeyahay Stephen mar uu ka sheekeynayay aabihiisa.

Markii uu Saxaraha joogay wuxuu go’aansaday Stephen inaanu noqon qof maran, go’aankan ayuu soo qaatay markii uu kusoo socday Koonfur Africa.

Wuxuu leeyahay “ ma doonayo inaan noqdo qof dareen la’aan ah”.

“Markey hurdada aadayaan, waxaad arkeysaa iney xasiloonyihiin, oo ay dareemayaan quruxda nolosha, waa qurux aan mardhow arkin”.

“ Waxaan aad u fahmaa dhibaatada dadka, waana u naxriistaa, waxaan rajeynayaa ineysan turanturoon masiirada nolosheyda, marna aan iska hilmaamin dhibaatada dadka heysta” ayuu kusoo gebegebeeyey sheekadiisa Stephen oo sanooyin farabadan ku jiray gacanta Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Maqribul Islaam, ugu dambeyna qaatay diinta Islaamka.

Halkan ka dhagayso Qiso xiiso badan_Musaafar Lunsan oo wadadii Hanuunka Afka saaray.

One comment

  1. ma mudnayn qof waddamadaa cadawga ah u dhashay in ihtimaam intaa le’eg la siiyo, sidaana laysugu mashquuliyo, sheeladani waxay u qoran tahay siday gaaladaas gumaysatada ahi u qortaan waxay u yaqaannaan novel-lada, waxayna sheekadani dad muslimiin ah jeclaysiin kartaa gaalada iyo hab raacooda, waxaana ka muuqata sheekada la tacaadufid gaaalo la qafaashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*