wararka

Oday dhaqameed lagu dilay magaalada Baraawe.

Nabadoon Siidanaa Xaajow.

Rag hubeysan oo heebtooda aan la garan ayaa magaalada Baraawe waxay xalay ku dileen mid kamid ah Odoyaasha dhaqanka ah ee magaaladaas, kaas oo si wanaagsan looga garanayo magaalada.

Nabadoon Siidana Xaajow ayaa rag hubeysan waxay ku dhex dileen isagoo maraya wadooyinka magaalada Baraawe, waxaana markii ay dilka geysteen kadib ay goobta uga tageen si nabad geliyo ay ku dheehantahay.

Nabadoonka la dilay wuxuu mudooyinkii wada shaqeyn dhow la lahaa maamulka Koonfur-galbeed ee magaalada Baraawe.

Ciidamada dowladda ayaa xalay bandow waxay kusoo rogeen magaalada Baraawe, iyagoona billaabay howlgallo ay ku doonayeen iney kusoo qabtaan ragga dilka fuliyay, balse uma suuragelin.

Lama oga cida dilkan ka dambeysa, mana jirto illaa iyo hadda qof sheegtay mas’uuliyadda dilka Siidanaa Xaajow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*