wararka

Tobanaan Ruux oo ku dhintay duqeymo ka dhacay Dimishiq.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ee sanooyinka xiriirka ah lagu dhibateynayo Muslimiinta ayaa sheegaya in diyaaradaha Nidaamka iyo kuwa Ruushka duqeymo xoogan ka geysteen deegaano dhaca duleedka magaalada Dimsihiq, kuwaas oo ka baxsan gacanta Nidaamka.

Magaalooyinka Xamuuriya, Cabriin, Beytu Sawaa iyo Masraa ayaa marti geliyay inkabadan 30 duqeymo kuwaas oo si isku mid ah u beegsaday xaafadaha dadka shacabka ay ku badanyihiin.

Ugu yaraan inta haatan la hubo waxaa duqeymahaas ku dhintay 25 Ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana deegaannada la duqeeyey ay go’doonsan yihiin dhowr sano oo xiriir ah.

Kooxaha difaaca madaniga oo hadlay waxay sheegeen iney jiraan dad badan oo ay burburka guryaha hoostooda kasoo bixiyaan, kuwaas oo qaarkood dhintay halka qaarkoodna ay dhaawacyo yihiin.

Nidaamka mujrimka ayaa si arxan darro ah isagoo kaashanaya Ruushka wuxuu u duqeeyaa deegaannada kabaxsan gacantiisa, kuwaas oo uu ku yaalo maalin kata tobanaan ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*