wararka

9 Askari oo Dowladda Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa 9 askari ka dilay dowladda federalka ah kadib markii ay kula dagaalameen degaanka Gololeey oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeelha dhexe.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa waxaa laga qaatay saanado melleteri oo ay kamid yihiin 2 qori PKM ah iyo dhowr kamid ah hubka Ak47.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay muddo laba maalmood ah wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad ay ka wadeen hawl gallo ay ku xaalufinayeen dhirta.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan dhacdadan ay khasaarooyinka badani kasoo gaareen. Si kastaba ha ahaato’e waxaa bilihii lasoo dhaafay jiray cabashooyin xooggan oo ay maamulka Hir-Shabelle ka muujinayeen weerarada Al-Shabaab waxaana jiray ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah oo uu hogaaminayay General Caanood iney isku dayeen iney culeyska ka khafiifiyaan balse ay iyagiiba kasoo carareen halkii ay degeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*