wararka

Madaxtooyada oo La Duqeeyay, Toogasho Ka Dhacday Bakaaraha Iyo Gaari Amisom Laga Gubay.

Guutada madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta duqeeyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho waxaana ay wararku sheegayaan iney sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan sadax madfac ayaa ku dhacday gudaha madaxtooyada, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa galabta suuqa Bakaaraha lagu toogtay askari ka tirsan dowladda kadibna waxaa laga qaatay qorigii uu sitay.

Gobolka Shabeelaha hoosana waxaa ka dhacay weerar dhabba gal ah oo loo dhigay kolonyo ciidamo Amisom ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Shalaambood.

Kolonyadan oo ku wajahnayd Shalaambood ayaa waxa uu weerarka ku qabsaday degaanka Ceel-wareegow sida ay dad lagu kalsoon yahay inoo xaqiijiyeen waxaana laga gubay hal gaari oo xamuul ah.

Amisom ayaa waxay wajahayaan weeraro adag, gaar ahaan mar walboo ay dhaqaaqaan oo ay doonayaan iney sahay ciidan is gaarsiiyaan, waxaana ugu wacan ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo u muuqda kuwa ay ka go’an tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen shisheeyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*