wararka

Warkii Ay Dowladdu Ka Baahisay Leego oo Beenoobay. (Sawirro)

Wasaaradaha gaashaandhigga iyo war-faafinta Dowladda Federalka ah ayaa maalintii shalay baahiyay war ay ku sheegeen in ciidamo kumaandoos ah oo la yiraahdo Danab ay burburiyeen saldhig ay Xarakada Al-Shabaab ku lahayd degaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose ayna ku dileen 10 dagaalyahan.

Warkan isaga ay ayaa waxaa la socday sawirro ay ku sheegeen iney caddeyn u yihiin sheegashadooda kuwaasoo lagu baahiyay warbaahinta dowladda iyo kuwa maxalliga ah oo loo qeybiyay.

Warbaahinada islaamiga ah ayaa u dhabba galay xogtan, waxay la xiriireen Leego iyadoo loo xaqiijiyay inaaney waxba ka dhicin kadibna waxay milicsadeen sawirrada ay dowladdu baahisay kuwaasoo noqday sawirro ay idaacadaha islaamiga ah kasoo qaadeen Leego markii ay ciidamada shisheeye ka baxayeen oo ku beegneyd August 2017.

Sawirradu waxay noqdeen kuwa hore balse la doonayay in laga dhigo kuwa cusub, tanina waxay fadeexad iyo waji gabax ku noqoneysaa dowladda federalka ah iyo warbaahinada gacan saarka xad dhaafka la leh kuwaasoo durbaddiiba qaarkood billaabay iney iska masaxaan warkii ay shalay daabaceen kadib markii xaqiiqda loo soo bandhigay shacabka Soomaaliyeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*