wararka

Sarkaal Ka Tirsan Puntland oo Gaalkacyo Lagu Dilay Iyo Amisom oo Gaari Looga Gubay Sh/dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa fiidkii magaalada Gaalkacyo lagu dilay sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.

Sarkaalkan oo kamid ahaa kuwa sar-sare ee sirdoonka ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax culus, sida aan kaasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay.

Waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanlle Sare Faarax Ciise Samatar wuxuuna sidoo kale ahaa tababare dhanka sirdoonka. Xarakada Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Sidoo kale waxaa galinkii dambe ee maanta Shabeelaha dhexe ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ee Burundi.

Kolonyadan oo lagu helay meel u dhow degmada Balcad ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga gubay Gaari Taw ah, sidoo kale waxaa dhacdadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii gaariga saarnaa.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa bilihii u dambeeyay ku badnaa weerarada taasoo yareysan socdaalka dhanka lugta ah ee dowladda iyo Amisom.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*