wararka

Ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu dilay Bakool.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan.

Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka magaalada Xudur, wuxuuna yimid kadib markii ciidamo katirsan dowladda ay isku dayeen iney kasoo gudbaan magaalada.

Ugu yaraan 5 askari oo katirsan maamulka Koonfur galbeed ayaa goobta lagu dilay, waxaana Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas milliteri.

Dagaalkan ayaa ku daba feylaya silsilado weeraro iyo dagaallo toos ah oo ka dhacay gobollada Baay iyo Bakool, kuwaas oo dhexmaraya ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed ee Itoobiyaanka la shaqeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*