wararka

Trump Oo Casilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Maraykanka, Mid kalana magacaabay!

Bidix: Rex Tillerson. Midig:Rex Tillerson

Qoraal kooban oo uu kusoo qoray barta uu aadka u door bido ee uu ku leeyahay Twitterka ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu xilka kaga qaaday wasiirka arimaha dibadda dowladda Maraykanka ninka lagu magacaabo Rex Tillerson.

Donald Trump wuxuu sheegay in isaga iyo Rex Tillerson uu soo kala dhexgalay khilaafaad in muda ah soo jiitamayay oo salka ku hayo arimo badan oo ay kamid tahay qadiyadda heshiiskii arimaha Nuclearka ee dowladaha awooda sheegta la gaareen dowladda Iiraan.

Mike Pompeo oo ahaa Taliyaha CIA-da Maraykanka ayuu Trump sheegay inuu noqonayo wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka, waxaana jagada uu ninkaas baneeyay ee sirdoonka loo dhiibay haweeney lagu magacaabo Gina Haspel oo leh taariikh mugdi ah oo aad u sumcad xun.

Haweeneydan oo noqoneysa qofkii ugu horeeyey oo dumar ah islamarkaana noqda taliyaha sirdoonka Maraykanka ayaa wixii ka dambeeyey weeraradii 11 Septembar waxay madax ka ahayd xabsiyo qarsoodi ah oo lagu tacdiibyo dadka muslimiinta.

Waxay aad u necebtahay dadka Muslimiinta, iyadoona ku tirisa iney yihiin waxa loogu yeero “Argagaxiso”, ayna tahay in gacan bir ah lagu qabto.

Mike Pompeo oo isna noqday wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa la sheegaa in fakar ahaan uu aad ugu dhowyahay Donald Trump, uuna aad u muujistay mowqfiyo badan oo neceyb ah oo ka dhan ah Muslimiinta gaar ahaan dadka Carabta.

Dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in Donald Trump uu go’aansaday inuu isbedel badan ku sameeyo wasiiradiisa, kahor inta aanu si dhab ah u furmin wadahadalka uu la galayo madaxweynaha Kuuriyada Wuqooyi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*