wararka

Boqollaal Askari Oo ku dhintay Burbur diyaaradeed Oo ka dhacay Aljeeriya.

dalka Aljeeriya waxaa ka dhacay burbur diyaaradeed oo sababay khasaare farabadan oo dhimasho ah oo gaaray Askar katirsan milliteriga xukuumadda Butafaliqa.

Ciidamada saarnaa diyaaradda oo cadadoodu gaareyso 257 oo ay la socdeen qaar kamid ah qoysaskooda ayaa gebi ahaanba dhintay, waxaana dalka Aljeeriya looga dhawaaqay xaalad baroor diiq ah.

Diyaaradda soo dhacday ayaa ka duushey garoon milliteri oo lagu magacaabo Bufarik oo dhaca gobolka Al-Buleyda ee wuqooyiga magaalada caasimadda ah ee Aljeeriya, waxaana illaa iyo hadda la ogeyn sababaha keenay burburka diyaaradan.

Madaxweynaha curyaanka ah ee dalka Aljeeriya Butafaliq ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu ka tacsiyeynayo dhibka dhacay, wuxuuna sheegay in dalka la gelin doono baroor diiq soconaya saddex maalin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*