wararka

Ciidamo Maraykan ah Oo Weerar kula kulmay nawaaxiga Buula-Mareer.

Ciidamo huwan oo ka kooban Maraykan iyo Africaan ayaa weerar dhabagal iyo qaraxyo ah waxay kala kulmeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa kamiin u dhigay kolonyo ciidamo Ameerikaan iyo kuwa Amisom katirsan oo marayay nawaaxiga magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qarax culus ayaa qabsaday gaari qaffilnaa oo la rumeysanyahay iney saarnaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda Maraykanka.

Inkastoo aynaan weli helin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada huwanta ah hadana waxaa jira khasaare nafeed oo gaaray.

Saraakiisha Maraykanka ayaa kusii socday saldhiga ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin magaalada Buula-Mareer, iyagoo doonaya iney indha indheeyaan saldhigaas oo dhawaan la kulmey weerar culus oo ay ku qaadeen Inqimaasiyiin iyo Istish-haadiyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*