wararka

Maraykanka oo u hanjabay Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad.

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday madaxweynaha Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad, isagoona ku tilmaamay xayawaan aan wax ogeyn.

Trump oo ka hadlayay weerarkii suntan kiimikada loo adeegsaday ee dhawaan ka dhacay magaalada Duuma ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay diraaseyneyso jawaabaha macquulka ah ee laga bixin karo gumaadkaas.

Madaxweynaha dhimirka la’ ee Maraykanka Trump oo iska dhigaya qof ay dhibeyso dhiiga dadka shacabka ah ee ku daatay Duuma, iskana indha tiraya dhiiga isaga uu ku daadinayo wadamada caalamka islaamka ayaa xasuuqa Duuma ku tilmaamay mid aragagax leh.

Saraakiil katirsan Aqalka cad oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa shaaca ka qaaday iney diraaseynayaan jawaab milliteri oo laga bixin karo duqeynta suntan kiimikada ee Duuma, waxaana illaa iyo hadda la ogeyn waxay noqon doonto jawaabtaas.

Saacadaha yar ee Trump uu qabsaday, kuna hanjabay inuu jawaab ka bixin doono ayaa waxyar ka harsan, waxaana siyaaasiyiinta ay u dhega taagayaan nooca jawaabtaas, balse ma noqon doonto wax saameyn leh sida la filayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*