wararka

Dhagayso:Wilaayada Shabeellaha Hoose Oo ka hadashay Dadkii Uu Maraykanku ku leeyahay Deegaanka Macallinka ee duleedka Afgooye.

Sheekh Maxamed Abuu Usaama Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Shabellaha hoose ayaa ka tacsiyeeyay dadkii muslimiinta ahaa ee dhawaan ciidamada Maraykanku ku laayeen deegaanka macallinka oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose.

Sheekh Abuu Usaama oo ka hadlayay xaflad lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka machadka Qurdhuba ayaa sheegay inuu uga tacsiyeynayo dadka muslimiinta ah ee Maraykanku ku xasuuqey Macallinka.

Sheekha ayaa sheegay inuu Alle uga baryayo dadka dhintay inuu ka aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacmana uu caafiyo.

Abuu Usaama wuxuu sheegay in dadka la gumaaday ay ahaayeen dad shacab masaakiin ah oo xilligaas halkaas joogay, maadaama aan Muqdisho la geli karin xilliyada habeenkii ah.

Halkan ka dhagayso Sheekh Abuu Usaama oo u tacsiyeeyay dadkii lagu laayay Macallinka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*