wararka

Hoos U dhac Ballaaran oo ku yimid Qiimaha Riyaalka Iiraan.

Dowladda shiicada ah ee Iiraan oo la kulmeysay sanadihii dhawaa go’doon adag oo ay kusoo rogeen dowladaha Reer galbeedka ayaa waxaa hoos u dhac ballaaran laga dareemayaa qiimaha lacagta  Riyaalka ee ay Iira isticmaasho.

Qiimeyntan oo markaz lagu magacaabo Nuuris ku sameeyey qiimaha lacagta Iiraan tan iyo sanadkii 2013-kii ayaa waxaa laga dareemayaa sida marba marka ka dambeysa ay hoos ugu socoto qiimaha lacagtan.

Sanadkii 2013-ka halka doollar waxaa lagu sarrifayay 36000 illaa 33000 Riyaal Iiraani.

Sanadkii 2014-ka halka doollar ee Maraykanka waxaa lagu sarrifayay 35500 illaa 34000 Riyaal.

Sanadkii 2015-ka halka doollar ee Maraykanka waxaa lagu sarrifayay 31500-36000 Riyaal.

Sanadkii 2016-ka halka doollar ee Maraykanka waxaa lagu sarrifayay 37480-34250 Riyaal.

Sanadkii 2017-ka halka Doollar ee Maraykanka waxaa lagu sarrifayay 38000-42500 Riyaal.

Isbuucii lasoo dhaafay, kahor inta aanu Trump ku dhawaaqin inuu isaga baxay heshiiskii Nuclearka ee Iiraan waxaa halkii Doollar lagu sarrifayay 55000 Riyaal, markii  go’aanka Trump uu soo baxana wuxuu xalay noqday halka Doollar 75000 Riyaal.

Xigasho: Markazka Diraasaatka ee Nuuris.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*