wararka

Khilaafaatka Imaaraatka iyo Yaman Oo sii xoogeystay, iyo UN-Ka Oo loo dacwooday.

Iyadoo dhawaan uu banaanka usoo baxay khilaafka u dhexeeya dowladda Imaaraatka iyo xukuumadda Cabdi Rabbi Haadi Mansuur ayaa waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya khilaafka.

Khilaafkan oo yimid ka gadaal markii ciidamo iyo saraakiil ka socda Imaaraatka ay si xoog ah kula wareegeen Jaziiradda Saqadhra ayaa hadda waxaa safiirka Yaman ee Qaramada Midoobay uu gudbiyay dacwad rasmi ah.

Khaalid Al-yamaani oo Yaman u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madax banaanida dalkiisa ay tahay mid muhiim ah, islamarkaana gorgortan ka geli doonin.

Wuxuu sheegay in ujeedka Isbaheysiga Carbeed u yimid Yaman ay ahayd iney taageeraan xukuumadda Haadi, balse howshoodu ay bil caksi isku bedeshey, islamarkaana hadda ay wadaan iney afgembiyaan xukuumadda uu ku tilmaamay iney tahay sharci.

Khilaafkan oo aan la ogeyn halka uu ku biya shuban doono ayaa muujinaya siyaasadda qabweynida ku dhisan ee madaxda Imaaraatku raacayaan, taas oo xitaa ka fog waxa loogu yeero Diblumaasiyadda caalamiga ee dowladaha ay ku tacaamulaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*