wararka

Maraykanka Oo isaga baxay Heshiiskii Nuclearka ee Iiraan.


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay wuxuu shaaca ka qaaday mowqifka maamulkiisa uu ka qaatay heshiiskii Nuclearka ee dowlado ay ku jirto Maraykanka la gaareen Iiraan.

Trump ayaa saxiixay warqad heer madaxweyne ah oo uu ku amrayo in cunaqabateyno adag oo dhanka dhaqaalaha ah lagu soo rogo dowladda Iiraan, oo uu ku eedayay iney taageero siiso Kooxo Argagaxiso ah.

“Heshiiskan musiibada ah wuxuu nidaamka argagaxisada ah ee Iiraan uu siiyay malaayiin doollar” ayuu yiri Trump mar uu ka hadlayay heshiiskii Nuclearka ee dowladda Iiraan iyo Reer galbeedku wada gaareen.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu sheegay in haddii uu sii socodo heshiiskan ay mandiqadda waxa loogu yeero Barriga dhexe ay ka bilaaaban doonto tartan dhanka Nuclearka ah, isagoona intaa ku daray in Iiraan ay sii kordhisay bacriminta maadada Uraniamka.

Saraakiisha Aqalka cad ayaa go’aanka Trump waxay durba gaarsiiyeen xubnaha Aqalka Congreska, oo markii hore heshiiskan lala gaarayay Iiraan, talada Maraykankana uu hayay Obama saxiixay.

Qaar kamid ah madaxda wadamada Yurub, gaar ahaan kuwa saxiixay heshiiskan sida Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo Ruushka ayaa ariintan ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana maalmihii ay uga digayeen Maraykanka inuu laalo heshiiska Nuclearka.

Saraakiil katirsan dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa shaaciyay in madaxweynaha wadankaas Xasan Ruuxaani uu khdubad uu ugu jawaabayo Trump ka jeedin doono tvga ku hadla afka dowladda Iiraan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*