wararka

Author Archives: guuleed

Xassan Sheekh: ” Ku Dhawaad 200 Ayaa Kenya Looga Dilay Ceel-cadde. (Dhageyso)

Iyadoo illaa iyo hadda aysan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka hadal tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya laga dilay iyo maxaabiista laga qabsaday, sidoo kalana ay dowladda Kenya ka gaabsatay arrintaas ayuu Xassan Sheekh shaaca ka qaaday in laga dilay Kenyaatiga askar kor u dhaafeysa 180. Isagoo Turkiga kula hadlayay mid kamid ah idaacadaha la iska arko ee Soomaalida ayaa la ... Read More »

Deg deg: Dayuuradaha Kenya Oo Duqeeyay Tuulo Barwaaqo.

Dayuuradaha dagaalka ee Kenya ayaa maanta duqeeyay degaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo ay burbur ka geysteen. Dadka shacabka ah ee degaanka ayaa inoo sheegay inuu Allaah ka badbaadiyay madaafiic tira badan oo lagu garaacay, balse ay geysteen burbur. Kenyaatiga ayaa si gaar ah u beegsaday masjidka iyo iskuulka degaanka, laakin nasiib wanaag, qofna ma aysan joogin xilliga ... Read More »

Xildhibaan Tahliil: “Gabre Ayaa Madaxweyne Ka Ah Dalka Isaga Ayaana Ka Amar Qaadanaa” (Dhageyso)

Xildhibaan Cabdi Maxamad oo kamid ah baarlamaanka DF ayaa ka hadlay shirkii Turkiga lagu qabtay iyo xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uu gumeysi ku jiro. Ugu horeyn wuxuu sheegay in shirka Turkiga uu lamid yahay shirarkii ay shisheeyuhu qaban jireen ee lagu marin habaabin jiray ummada Soomaaliyeed. “Adeer shirkaasi wuxuu ka marqaati kacayaa inaaney talo gacantayada ku jirin, waayo ... Read More »

Dhageyso Mustaqbalka Uganda Doorashadii Museveni Kadib.

Sabtidii lasoo dhaafay waxaa dalka Uganda looga dhawaaqay in Museveni uu mar kale ku guuleystay madaxtinimada wadankaasi, taasoo ay ka caroodeen kooxaha mucaaradka iyo qaar kamid ah shacabka. Musaveni wuxuu hadalkiisii ugu horeeyay doorashadiida kadib u goodiyay kooxaha mucaaradka, isagoo sidoo kale naqdiyay war kasoo baxay midowga Yurub oo sheegayay inaaney doorashadu si sax ah u dhicin. Haddaba waxaa soo ... Read More »

Indheer Garadka Gedo Oo Soo Dhaweeyay Deeqda Uga Timid Wilaayada Sh/hoose. (Dhageyso)

Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa dhiggiisa Gedo ku wareejiyay deeg isugu jirta, lacag, raashin, dhar, maacuun iyo agabyo kale, si loogu baahi tiro bulsho badan oo ay Kenyaatigu ku barakiciyeen gobolka. Haddaba indheer garadka wilaayada Gedo ayaa u mahad celiyay wilaayada Sh/hoose iyo shacabkeeda, iyagoo ku amaanay kaalintooda walaaltinimo iyo sida ay uga soo dhalaaleen. Halkan Ka Dhageyso Nabadoon ... Read More »

Dhageyso Dhuuxa Wareysiyada

Dhuuxa wareysiyada waa barnaamij mug weyn leh oo habeen walba ka baxa war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaa lagu soo qaataa wararkii u dambeeyay iyo wareysiyo muhim ah oo dhinacyo kala duwan lala yeesho. Halkan Ka Dhageyso Dhuuxa wareysiyada 24-02-2016 Read More »

Deg deg: Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Laamu.

War goor dhoweyto nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ka geysteen degaan u dhow magaalada Laamu, halkaasoo ay ku beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya. Sida ay xogtu ku waramayso weerarka Kolonyada ayaa waxaa loo adeegsaday qarax aad u culus oo si gaar ah loola beegsaday ... Read More »

Siyaasi Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Duullaanka Dhaqaale Ee Dalka Lagu Soo Qaaday. (Dhageyso)

Siyaasiga Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka hadlay taariikh dheer oo ku saabsan duullaanka dhaqaale ee lagu soo qaaday wadanka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ol’olaha uu hadda wado Turkigu uu yahay mid la dajiyay muddo hore, uuna wakiil uga yahay dowladaha reer galbeedka siiba Ingiriiska. Siyaasiga ayaa intaa ku daray in shisheeyuhu doonayaan in ummada Soomaaliyeed la cirteeyo si ... Read More »