wararka

Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Muqdisho ku toogtay Sarkaal katirsan dowladda.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay howlgal lagu dilay Sarkaaal katirsan maamulka dowladda Federaalka. Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo CabdiRaxmaan Sheekh Axmed Calasoow ayaa ahaa Xoghaya maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Sarkaalkan waxaa lala dilay labo kamid ah Ilaaladiisa kuwaas oo xilliga la beegsanayay la saarnaa Baabuurka uu watay Xoghaya, waxaana sidoo kale jira gudoomiye waaxeed ku dhaawacmay ... Read More »

Daawo Hey’adda Al-Ixsaan Oo Raashin Ka Qeybisay Mudug.

Daawo Hey’adda Al-Ixsaan Oo Raashin Ka Qeybisay Mudug. Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan oo gurmad lixaad leh ka wada wilaayaadka islaamiga ah, ayaa raashin ka qeybisay degmada Xarardheere iyo tuulada Dumaaye oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Sida laga dheehan karayo muuqaalka, waxaa raashinka loo qeybiyay dad boqolaal ah oo ay saameyn ku yeesheen abaaraha, kuwaasoo ay kamid yihiin waayeello. Read More »

Roobab Ka Curtay Qeybo Kamid Ah Soomaaliya.

Roobaab danka iyo duunyadu ay ku diirsadeen ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay ka da’een qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya. Meelaha la xaqiijiyay iney Roobabku ka da’een waxaa kamid ah inta badan degmooyinka iyo baadiyaha gobolka Jubbada dhexe, waxaana degmooyinka ay Roobku ka da’een kamid ah Saakow, Bu’aale, Salagle iyo dhulka baadiyaha ee degmooyinkaas hoosyimaada. Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sidoo ... Read More »

Daawo Vedio+Sawirro: Tartanka Macaahidda Beelaha.

War-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxay idiin soo gudbineysaa muuqaal ka tarjumayo horumarka wax barasho ee ka jira wilaayaadka islaamiga ah, gaar ahaan macaahidda ay furteen beelaha. Beelaha oo waagii hore ku tartami jiray colaada dhexdooda ah, ayaa haatan ku tartamaya wax barashada, waxaana barnaamijkan laga dheehan karayaa baratan qiimo badan oo ku qiiro galinaya. Tartankan ayaa waxaa ka qeyb ... Read More »