wararka

Wararka Gudaha

Shan ruux oo lagu dilay Masaajid ku yaala Wadanka Kanada.

inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhintay rasaas dablay hubaysan ay ku fureen dad ku sugnaa Masaajid ku yaala magaalada Quebec ee dalka Kanada. Dadka dhintay ayaa kamid ahaa 50 ruux oo ku cibaadeysanayay Masaajidka. Booliska Kanada ayaa sheegay inay xireen 2 qof oo ay kaga shakiyeen inay ku lug leeyihiin weerarka lagu laayay Muslimiinta. Warbaahinta Kanada ayaa qortay in sadax ruux ... Read More »

34 ruux oo indhaha loogu fiiqay Shabeelaha Dhexe.(Maqal)

Dhaqaatiir ka tirsan jimciyada samafalka Al-ixsaan Alkhayriyaha oo hoostagta xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku sugan Gobalka Shabeelaha Dhexe. Dhaqaatiirta ayaa indhaha ufiiqay 34 ruux oo isugu jiray rag iyo haween. Howshaan oo lagu qabtay Magaalada Ganboole ee shaeelaha Dhexe waxaa soo dhaweeyay dadka ka faa’ideystay indho fiiqista oo ahayd mid lacag la’aan ah. Halkan Ka Dhageyso Dadka indhaha loo fiiqay. ... Read More »

Dhageyso:Abwaan Taakow oo Gabay ka Tiriyay Weerarkii Kulbiyoow.

Waxaa isa soo taraya dadka ka hadlaya ee aragtidooda ka dhiibanaya weerarkii jimcihii lasoo dhaafay xarakada Alshabaab ku qaaday xero ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee jubada Hoose. Weerarkaasi oo qasaaro xoogan dhaliyay waxaa ku dhintay in ka badan 60 askari. Dowladda Kenya ayaa ka gaabsanaysa inay faafaahiso qasaaraha ay la kulmeen Ciidamadooda. Abwaan Taakow Macalim Ciise oo ... Read More »

The Standard”68 Askari Ayaa Kenya Looga dilay Weerarkii Kulbiyow”

Ugu yaraan 68 askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weerarkii jimcaha lagu qaaday  xerada ciidamada Kenya  sida laga soo xigtay ilo military oo katirsan Dowladda Kenya kuwaasi oo la hadlay wargayska the standar. 72 nin oo kale oo ku sugnaa Xerada kana tirsanaa Ciidamada ayaa ka badbaaday weerarka kadib Markii saraakiisha ay ku amartay in ay naftooda la baxsadaan. ... Read More »

Sidee Looga Arkay Jubooyinka Weerarkii Kulbiyow.?(Maqal)

Dadkaan oo la hadlayay idaacadda alfurqaan ayaa soo dhaweeyay jabkii ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaalkii taariikhda galay ee ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee Jubada Hoose. Waxa ay sheegeen Kenya inay dhaxashay miraha ka dhashay dhibaatadii ay ugaysatay shacabka Soomaaliyed. Shacabka Kenya ayay ugu baaqeen inay la xisaabtamaan dowladooda oo wiilashooda kala baxaan Soomaaliya. Halkan Ka Dhageyso Aragtida dadweynaha Kulbiyow. Si ... Read More »