wararka

Wararka Dibada

Waa kuma Sheekh Cumar C/Raxman oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Kudhowaad sodon sano oo xarig ah kadib, waxaa la shaaciyay istish-haadka Sheekha caalimka ah Cumar Cabdi Raxmaan, kaas oo u xirnaa dowladda Maraykanka. Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan oo ah caalim muslim kana soo jeeda dalka Masar, ayaa waxaa dowladda Maraykanka ay xabsiga u taxaabtay sanadkii 1993 kadib markii ay ku eedeysay inuu ku lug lahaa qaraxyo xilligaas ka dhacay magaalada ... Read More »

Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda oo codsaday in buuraleyda Jowlaan loo aqoonsado in Yahuuddu leeyihiin.

Bin Yamin Natanyahu ayaa socodaal ku jooga dalka Maraykanka, isagoona kulamo la qaatay madaxda dalkaas oo uu ugu horeeyo madaxweynaha cunsuriga Donalad Trump. Kulamada labada dhinac oo warbaahintu ku tilmaameen inuu ahaa mid sarreeya, islamarkaana laga dareemayay jacaylka uu Trump u qabo Yahuudda ayaa waxaa intooda badan looga hadlayay muranka u dhexeeya Yahuudda iyo filastiiniyiinta, kaas oo soo jiitamayay tobanaan ... Read More »

Nin la dhashay hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi oo lagu dilay dalka Malayziya.

Magaalada Kulalamboor oo ah caasimadda dalka Malayziya ayaa lagu Iqtiyaalay wiil la dhashay madaxweynaha Kuuriyada Wuqooyi, kaas oo lagu magacaabo Kiin Jonck Iil. Ninka la dilay oo 45 jir ah ayaa lagu magacaabaa Kim Jonck Naam , waxaana isku hooyo yihiin hogaamiayaha kuuriyada Wuqooyi. War kasoo baxay Kuuriyada Wuqooyi ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay ninkaas, islamarkaana ay tuhmayaan dowladda ... Read More »

Madaxweynaha Cilmaaniga Turkiga Ordogan oo gaaray dhulka Xaramaynka.

Rajab Dhayib Ordogan madaxweynaha cilmaaniga  dowladda Turkiga ayaa socdaal ku maraya wadamada khaliijka carabta isagoona la kulmaya madaxda dalalkaas, si ay uga wadahadlaan masaaalixda wadajir ah ee dowladaas ka dhexeysa. Gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd ayuu Ordogan ka degay garoonka diyaaradaha ee Malik Feysal, waxaana soo dhaweeyey boqorka nidaamka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil Caziiz, amiirka magaalada Riyaad, iyo ... Read More »

Weerar Nafhurnimo oo ka dhacay gobolka Helmand ee dalka Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya magaalada Lashkar Jaah oo ah magaala madaxda gobolka Helmand ee dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in camaliyad Istish-haadi ah oo xoogan lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda taagta daran ee Kaabul. Camliyada Istish-haadiga oo ahayd mid xoogan, islamarkaana si wanaagsan loo soo qorsheeyay ayaa beegstay ciiidamo katirsan xukuumadda Kaabul oo ku sugnaa afaafka hore ... Read More »

Mujaahidiinta Banqaazi oo ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan Diyaarad uu leeyahay Xaftar.

Wararka ka imaanaya magaalada dhiban ee Banqaazi ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Golaha shuurada kacdoonka Banqaazi ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin malleeshiyaadka dagaal Ooge Khaliifa Xaftar. Diyaaradan oo ah noocyada dagaalka, islamarkaana duqeymaha fuliya ayay Mujaahidiintu kusoo rideen deegaanka Al-Jafra oo uu ku yaalo garoon milliteri oo ay kasoo kacaan diyaaradaha dagaalka ee Xaftar, kuwaas oo ... Read More »

Dowladda Maraykanka oo sheegatay dilka hogaamiye ku shahiiday Suuriya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda dagaalka Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyn dhawaan ka dhacday dalka Suuriya lagu dilay hogaamiye ay ku sheegtay inuu katirsanaa Alqaacida. Wasaaradda dagaalka ayaa sheegtay in hogaamiye Abuu Haani Al-Misri uu ahaa mas’uul sare oo katirsan Alqaacida, islamarkaana kamid ahaa hogaamiyaashii kumanaan dhalinyaro Muslimiin ah kusoo tababaray dalka Afqaanistaan sanadadiii sideenkii iyo sagaashankii. Dowladda Maraykanka ayaa ... Read More »

Maamulka Donald Turmp oo qorsheynaya in Ilaada Kacaanka Iiraan ay ku daraan Liiska Argagaxisada.

Sida ay sheegeen Saraakiil sar sare oo katirsan maamulka kataliya dalka Maraykanka, Donald Trump madaxweynaha Maraykanka ayaa diraaseynaya qorshe la doonayo in liiska Argagasada Maraykanka loogu daro ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan. Qorshahan oo ay soo gudbiyeen saraakiil sar sare oo katirsan dowladda Maraykanka ayaa la sheegayaa in taageero xoogan uu ka dhex helay daa’irada maamulka Aqalka Cad. Ku darista liiska ... Read More »

Maamulka Yahuudda oo duqeeyay magaalada QAZZA.

Wararka ka imaanaya magaalada Qazza eek u jirta go’doonka cadowtooyo sanadaha dheer ayaa sheegaya in duqeymo culus ay magaaladu marti gelisay gelinkii dambe ee shalay illaa iyo xalay. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan islamarkaana ay fulinayeen gawaarida gawaarida ay ku xiranyihiin hubka waaweyn ee wax lagu duqeeyo, kuwaas oo yaala xuduud beenaadka Qazza iyo dhulka ay Yahuuda nooga heysato. Dadka ... Read More »