wararka

All news

Ciidamada Alshabaab oo ka dagaalamay Bartamaha Boosaaso.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari oo dhexmaray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Maamulka Cabdiwali Gaas. Shan askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka sida aynu kasoo xiganay illo wareedyo. Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa si qorshaysan uweeraray isgoyska soddonka gaar ahaan ... Read More »

Ruushka oo xabsiga dhigay Saraakiil sar sare oo katirsan sirdoonka dalkaas.

Maamulka Karmaliin ee dalka Ruushka ayaa  xabsiga u taxaabay saraakiil sar sare oo katirsan sirdoonka dalkaas, kuwaas oo lagu eedayay iney jawaasiis u yihiin dowlado dagaal dadban kula jira Ruushka. Saraakiisha la xiray oo ah kuwii ugu sareeyay tan iyo sanadkii 1991oo loo xiro tuhmo jaajuusnimo ayaa midkood wuxuu yahay  mas’uulka labaad ee xarunta qaabilsan amniga macluumaadka ee sirdoonka Ruushka ... Read More »

Dagaal Gaari Looga Qabsaday Ciidamada Kenya oo Ka Dhacay duleedka Mandhera.

Dagaalka ayaa yimid ah Markii Ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Carabiya oo udhaxeeya Magaalada Mandheera iyo Lafey. Wararka kusoo dhacay warqabadka idaacadda Alfurqaan ayaa ku waramaya in dagaalka uu dhaliyay qasaaso xoogan oo soo gaaray askarta Kenya. Gaari Kooyal  iyo saanad hub ah ayaa la xaqiijiyay ... Read More »

Diblumaasiyiin Maraykan ah oo ka hor yimid amar kasoo baxay Donalad Trump.

Dhawaan madaxweynaha cunsuriga dalka Maraykanka Donald Trump wuxuu soo saaray amar uu kaga mamnuucay muwaadiniin kasoo jeeda todobo dal oo Islaam ah iney soo galaan dalka Maraykanka mudo saddex bilood ah , waxaana amarkaas si aad ah uga hor yimid diblumaasiyiin Ameerikaan ah. Diblumaasiyiintan ka hor yimid amarka Trump oo ka shaqeeya wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka kana howlgalo dalal Islaam ... Read More »