wararka

Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(17)

Yarmuuk

Furashadii Jaziiradda Roodos oo ahayd Saldhig muhiim u ahaa Ciidankii Badda ee Islaamka.

Marka laga hadlo arimaha badda kuma ahan Muslimiintu wax ay waaya dhow barteen, balse waxay u leeyihiin Taariikh soo jireen ah, taas oo muujineysa sida uu Islaamku u danneeyo arimaha Milleteriga.

Xilligii khilaafada Cumar ayaa waaligii Shaam Mucaawiya bin Abii Sufyaan waxa uu ka codsaday Cumar inuu dhiso ciidan badeed kaas oo weerara Imbiraadooriyadii Biizandhiyiinta, balse waxaa arinkaas ka biya diiday Cumar isagoo u baqaya ciidamada Muslimiinta oo aan xilligaas aqoon dheeraad ah u lahayn arimaha badda, balse waxa Mucaawiya loo fasaxay inuu dhiso maraakiib dagaal oo howshooda ku koobantahay iney Ribaad ka galaan xeebaha Shaam.

markii uu khilaafadu la wareegay Cuthmaan bin Cafaan ayuu mar kale Mucaawiya dalabkiisa dib u cusbooneysiiyay, markan waa loo ogolaaday balse waxa uu Cuthmaan shardi ka dhigay in ciidamada badda ka dagaalamay aan la qasbin oo cidii rabta un ka mid ahaato ciidamadaas.

Mucaawiya ayaa aad u daneyn jiray in Muslimiintu yeeshaan ciidan adag oo badda ka dagaalami kara, waxaana arinkaas uu ka dhabeeyay markii uu noqday khaliifkii guud ee Muslimiinta, xilligiisna waxaa la sameeyay Maraakiib dagaal oo aad u farabadan.

Mucaawiya ayaa dhufeyso adag waxa uu ku gedaamay magaalooyinkii dhacayay xeebaha Masar iyo Shaam, si uu ugu diyaar garooba fal celinta ka imaan karta gaalada marka ciidanka Muslimiintu howlgallo dhanka badda ah bilaabaan.

Mucaawiya ayaa waday diyaar garow uu ku doonayay in guud ahaan uu la wareego magaalada Qusandh-dhiiniyah, balse amalkan wuxuu u baahanyahay dadaal joogta ah, sidaas darteed ayuu go’aansaday inuu furto jaziiradaha badda Medeterianka si ay u noqdaan goobo looga gurmado ciidanka doonaya furashada Qusnadh-dhiiniyah.

Jaziiradahaas uu ku guuleystay Mucaawiya inuu furto waxaa kamid ahayd Jaziiradda Rodos oo ah Jaziirad muhiim ah islamarkaana ku taalla dalka Griiga, waxaana ay u dhowdahay marka laga hadlo dhanka xeebta dalka Turkiga.

300 oo Markab mid walibana ay saaranyihiin 1000 Mujaahid ayaa ka dhaqaaqay Shaam, waxaana ay ku guuleystaan furashada Jaziirado farabadan oo dhaca badda Medeterianka, illaa uu Alle uga suurta galiyay iney furtaan Jaziiradda muhiimka ah ee Rodos, waxaana fatxigan uu dhacay bishii Ramadaan sanadkii 53 Hijriyada.

Mucaawiya ayaa markii lala wareegay Jaziiradan waxa uu usoo raray qoysas farabadan oo Muslimiin ah, waxaana qoys waliba la siinayay mushaar wanaagsan, isagoona sidoo kele jaziiradan u diray Caalim lagu magacaabi jiray Mujaahid bin Jibir si uu dadku u baro diinta Islaamka.

Kadib todobo sano oo Muslimiintu degnaayeen Jaziiradan waxaa geeriyooday Mucaawiya bin Abii Sufyaan, waxaana wiilkiisii kaga dambeeyey talada ee la oran jiray Yaziid uu amar ku bixiyay in lasoo burburiyo dhufeysyadii ay Muslimiintu ka dhiseen Jaziiradda islamarkaana kusoo laabtaan Shaam.

Hogaamiyihii muslimka ahaa ee lagu magacabi jiray Maslama bin Cabdil Malik ayaa isagoo ku socoda Qusdhan-dhiiniyah waxa uu mar kale furtay Jaziiradan, isagoona hoos geeyay raayadii Khilaafada Umawiyiinta oo uu markaas hogaamin jiray Suleymaan bin Cabdil Mali, balse markii uu Maslama kusoo guul darreystay furashada Qusdhan-dhiiniyah ayaa Jaziiradan mar kale ka baxday gacanta Muslimiinta.

Sidaas ayaa Jaziiradan waxay ku ahayd mid hoostagta imbiraadooriyadi Biizandhiyiinta illaa ay la wareegeen koox loogu magac daray Fursaantii Saliibiyiinta sanadkii 708 Hijriyada.

Kooxdan waxay ahayd Saliibiyiin dagaalyahanno ah islamarkaana kaalin weyn ka qaatay dagaaladii Gaaladu la galeen Muslimiinta, waxaana nashaadkooda uu aad u ziyaaday billowgii qarnigii 14-aad ee Miilaadiga.

Sanadkii 747 ee Hijriyada ayaa maraakiib ay leeyihiin Fursaantan waxay ku xadgudbeen maraakiib hoostagi jiray khilaafadii Cuthmaaniyiinta, waxaana ay dhaceen hantidii saarneyd doomahaas iyagona sidoo kale dilay qaar kamid bad maaxiyaashi Muslimiinta, waxaana tallabadaas aad uga xanaaqay Cuthmaaniyiinta oo dhankooda bilaabay diyaar garow ku aadan furashada Jaziiradan.

Suldaankii la oran jiray Muxamed Al-Thaani ayaa ka dalbay madaxii fursaantan iney dhiibaan Jizyo hadii kalana dagaal lagu soo qaadi doono, balse way diideen Saliibiyiintan, waxaana dhaqaaqay ciidamo xoogan oo Muslimiinta katirsan kuwaas oo furtay Jaziiradda Koos oo u dhow Rodos, waxaana arinkaas markii uu arkay hogaamiyihii Fursaanta lasoo dersay Cabsi, isagoona ogolaaday inuu bixiyo Jizyo sanad le ah, waxaana xilligaas ay ku beegenyd sanadkii 877 Hijiryada.

Gaaladan ka talin jirtay Jaziiradan waxay caan ku ahaayeen ballan kabixida marka ay awood yeeshaan, sidaas darteed dagaalka iyaga iyo Muslimiinta ka dhexeeyo joogta ayuu ahaa.

Xilligii uu talada hayay suldaankii muslimka ahaa ee lagu magacabi jiray Suleymaan Al-Qaanuuni ayuu go’aansady inuu furto Jaziiradan, kadib markii maleeshiyaad katirsan Saliibiyiinta Fursaanta ay dhac iyo dilba kula kaceen doonyo ay wateen Xujjey Muslimiin ah.

Markii uu maqlay diyaar garowga Muslimiinta wadaan hogaamiyihii Fursaanta Jaziirada Rodos ayuu isku dayay inuu raalli geliyo Suleymaan Al-Qaanuuni, waxaana uu soo diray Ergo balse dheg jalaq looma siin.

Ciidamo gaaraya 10 kun oo uu hogaaminayo nin lagu magacabo Biilaan Mustafa Baasha ayaa ka dhaqaaqay Turkiga, iyagoona ku wajahan Jaziiradda Rodos, waxaana ay gaareen hadafkooda bishii Shacbaan sanadkii 928 Hijiryada, waxaana kadaba yimid khaliifkii Muslimka ahaaa ee Suleymaan Al-Qaanuuni si uu u kormeero camliyadda Xisaarka ah ee lagu hayay Jaziiradda.

7 bilood oo Go’doon adag lagu hayay dadka Jaziiradan waxay markii dambe ogolaadeen iney is dhiibaan islamarkaan heshiis la galaan Cuthmaaniyiinta, balse waxyar un kadib waxaa soo gaaray Jaziiradda doonyo ay soo direen gaaladii Yurub oo gurmad ah, waxaana qaa’idkii Fursaanta markii uu arkay gurmadka u yimid uu ka baxay ballantii.

Mar kale ayay laba dhinac is fara saareen, waxaana soo wada gaaray labada dhinac khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, waxayse ku dhamaatay in mar kale ay gaaladii Rodos heshiis doortaan, islamarkaana u hogaansamaan awaamiirta Muslimiinta, waxaana ay ku beegneyd Taariikhda 7 safar sanadkii 929 Hijriyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*