Wararka

Mujaahidiinta Ansar Beyt Al Maqdis oo sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu qaaday wasiirka arrimaha gudaha Masar.

Ansar Beyt Al MaqdisMujaahidiinta Ansaar Bey Al Maqdis ayaa si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda weerar isku day dil ah oo dhowaan lagu qaaday wasiirka arrimaha gudaha wadanka Masar kaasi oo ka dhacay bartamaha magaalada Qaahira.

 

Bayaan lagu faafiyay baraha Internet-ka Jihaadiga ah ayaa la sheegay in weerarkaasi si rasmi ah loogu bartilmaameedsaday Wasiirkaaasi iyadoo la sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay balse qadarta Allaah uu ku badbaaday.

 

Weerarka ayay Mujaahidiintu ugu magac dareen “weerarkii  u aargudka Muslimiinta Masar” waxaana si rasmi ah loogu qaaday wasiirka arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim .

 

Bayaanka oo ahaa mid dheer ayaa looga hadlay dhowr qodob iyadoo ugu horeyn loogu hanjabay dowladda Masar inay qaadi doonto masuuliyadda gaboodfallada ay ku hayaan shacabka Masar.

 

Sidoo kale jamaacada ayaa qudhooda si kooban ugu cadeeyay bayaanka iyagoo sheegay inay yihiin jamaaco Islaami ah oo ah Salafiya Jihaadiya kana duulaya sidii loo aas aasi lahaa khilaafo Islaami ah oo ku taagan Manhajkii nabigeenna Muxamad NNKH. (434)

Comments are closed.

Scroll To Top