wararka

Weerar Kaligii duulnimo oo ka dhacay magaalada Al-Qudus.

Waa Askari kamid ah ciidamadii ku dhintay Weerarka.

Darawal Muslimi Filastiini ah oo kaxeynayay Gaari nooca xamuulka ayaa si bareer ah wuxuu u jiirsiiyay Ciidamo katirsan Yahuudda, kuwaas oo ku sugnaa magaalada barakeysan ee Al-Qudus.

Bayaan kasoo baxay Booliiska Yahuudda ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana khasaare adag gaarsiiyay Yahuudda uu dhacay, islamarkaana fuliyaha weerarka ay dileen ciidamadii ka badbaaday howlgalka Jiirista ahaa.

Afar Askari oo Yahuud ah ayaa dhintay, 15 kale oo Askar iyo Shacab Yahuud ah isugu jirana way dhaawacmeen, waxaana xaaladoodu ay halistahay 7 Askari oo dhaawacyo ay soo gaareen, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo Isbitaallada magaalada Al-Qudus.

Ciidamada Yahuudda gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa weerarka markii uu dhacay kadib waxay isku geedaameen goobta, iyagoona diiday in goobta loo soo dhawaado islamarkaana faafaahinta dhabta ah la helo.

Weerarada kaligii duulnimada ah ee ay fulinayaan dhalinyarada Muslimiinta Filastiiniyiinta ayaa kusoo badanaya dhulka ay Yahuuda xooga inooga heystaan, waxaana muuqata in wacyiga dhalinyaradu uu aad u ziyaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*