wararka

Author Archives: Axmad

Boqollaal Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Burbur dhuleed ka dhacay dalka Colombia.

Roobab xoogan oo ka da’y magaalooyin dhaca dalka Colombia ayaa sababay burbrur ku yimid dhulka, iyo dhimashada boqolaal ruux iyo dhaawaca kuwa kale. Sida ay soo tabinayaan Warbaahinta iyo wakaaladaha caalamka, waxaa roobabka ugu xoooga badan ay ka da’een Ikwadoor, iyo Al-Biiru, waxaana ay sababeen burbur ballaaran oo ku yimid dhulka. Madaxweynaha dalka Colombia ayaa bartiisa twitterka wuxuu kusoo qoray ... Read More »

Sarkaal katirsan dowladda oo lagu dilay Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaadya Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan dowladda federaalka, kaas oo marayay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Sida ay ku waramayaan Goob joogayaal ku sugnaa halka uu ka dhacay weerarka, rag hubeysnaa islamarkaana watay Gaari nooca raaxada ah ayaa isku hor gooyay gaari ay la socdeen saraakiil katirsan dowladda, iyagoona rasaas ... Read More »

Sarkaal katirsan dowladda oo lagu toogtay Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen Cabdullaahi Gacmo Gaab oo ahaa sarkaal katirsan dowladda. Rag hubeysan ayaa ninkan oo ku sugnaa Suuqa Siinay ee degmada Wardhiigley dhowr rasaas madaxa kaga dhuftey, taas oo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo. Ragga Weerarka geystay ayaa goobta kaga tagay ... Read More »

Hogaamiye katirsan kooxaha Suuriya ka dagaalama oo duqeyn lagu dilay.

Sida ay xaqiijiyeen Jihaadiyiin ku sugan dalka Suuriya oo isticmaala baraha Internetka, waxaa duqeyn diyaaradeed lagu dilay Sarkaal katirsan kooxaha Mucaaradka Suuriya ee dagaalka kula jira Nidaamka Nusayriyada iyo malleeshiyaadka Rawaafida. Sarkaalkan la dilay waxaa lagu magacaabaa Abuu Jaamir Al-Xamawi waxaana uu ahaa madaxa maxkamadda isbaheysiga jihaadiga ee Jayshul Fatxi oo ay ka koobanyihiin jamaacaad badan oo Jihaadi ah oo ... Read More »

Dagaallo xoogan oo Ciidamada Itoobiya ku qabsaday Galgaduud.

Kolonyo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa la kulmay weerar Jidgal oo markii dambe isku bedelay dagaal toos ah kaas oo uga yimid dhanka ciiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee la kulmay dagaalka waxay kasoo baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyagoona kusii jeeda magaalada Ceelbuur, waxaana dagaal uu qabsaday mar ay marayeen deegaan lagu magacaabo Ceel-Lahelay oo u dhexeeya Dhuusamareeb yo ... Read More »

Dilal ka dhacay Muqdisho iyo duleedka Baydhabo.

Saacadiihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay iyo Bakool. Rag hubeysan ayaa caawa Suuqa Bakaaraha waxay ku dileen Sarkaal katirsan ciidamada Bs-ta dowladda federaalka. Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Daadireey, waxaana Ragga dilka geystay ay ka baxsadeen goobta  si nabad geliyo ay ku dheehantahay. ... Read More »

Maraykanka oo qirtay inuu dad ku xasuuqay Muusil.

Dowladda Maraykanka oo duulaan qaawan oo dhanka hawada ah kawada dalka Ciraaq ayaa markii ugu horreysay waxay qiratay iney tobanaan Ruux ay ku leysay duqeymo ay k fulisay magaalada Muusil ee dalka Ciraaq. Jeneraal Joseph Votel oo ah madaxa ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe oo hadlay ayaa sheegay iney duqeyn naxdin badan ay ka fuliyeen dhanka galbeed ee magaalada Muusil ... Read More »

Shil Gaari oo khasaare dhaliyay oo ka dhacay dalka Iiraan.

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay dalkaas saacadihii lasoo dhaafay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilkan Gaari ayaa ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Mash-had iyo Naysaabuur ee dalka Iiraan, waxaana isku dhacay gawaari kor u dhaafaya 100. Saraakiil katirsan wasaaradda gaadiidka xukuumadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in  shilkan ay ku ... Read More »

Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay.

Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Xassan Cali Kheyre ayaa goordhow wuxuu ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada oo Siyaasiinta iyo Baarlamaanku wada sugayeen. Wasiirada  ayaa ka kooban illaa iyo 27 wasiir iyo Wasiir ku xigeen, waxaana u badan Siyaasiyiin saaxiibo la ah Farmaajo. Xaflad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ayaa looga dhawaaqay Wasiirada. Read More »

Sawirro: Jamciyadda Al-Ixsaan Al-Kheyriyah oo Raashiin ka qeybisay deegaanka Deymaay.

Hay’adda Kheyriga ee Al-Ixsaan ayaa gurmad raashiin ah waxay la gaartay dadka Muslimiinta ee Abaarta saameysay kuna dhaqan deegaanka Deymaay oo hoostaga degmada Baraawe ee Wilaayada Islaamiga Shabeellaha hoose. Raashiinka la qeybiyay oo isugu jira Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid ayaa waxaa dadka loo geeyay ka muuqqatay baahida weyn ee ay u qabaan Gurmadka la gaarsiiyay. Sida ay noo sheegeen ... Read More »