wararka

Author Archives: Axmad

Itoobiya oo Isbedello ballaaran ku sameysay Biya Xireenka Al-Nahda.

Dowladda Itoobiya ayaa sii laba jibaartay qorshaha ay uga faa’ideysaneyso webiga Al-Niil ee mara dalkaas, kaas oo ay kaga sameysay biya xireenka Al-Nahda si ay uga soo saarto koronto baaxad weyn. Warbixin lagu qoray wakaaladda rasmiga ah ee Itoobiya oo soo xiganeyso golaha fulinta ee ku howlan habeynta biya xireenka Al-Nahda ayaa sheegtay in tallaabadan ay sare u qaadeyso dabka ... Read More »

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay.

Barqinimadii maanta ayaa Qarax xoogan wuxuu ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Farmaajo. Qarax ayaa sababay inuu geeriyoodo C/raxmaan Afleershe oo kamid ahaa mas’uuliyiintii maamulka dowladda hoose ee gobolka Banaadir. Qaraxa waxaa sidoo kale waxyeello ay kasoo gaartay Ciidamo katirsan dowladda oo marayay goobta, waxaana dhaawacmay labo Askari. Maalmihii lasoo ... Read More »

Al-Shabaab oo Weeraro ka geystay gobollada Mudug iyo Bari.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay habeenkii xalay ka fuliyeen magaalooyinka Gaalkacayo iyo gobolka Mudug, weeraradaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo Saraakiil katirsan maamulka Puntland. Dhanka Boosaaso, ciidamo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaaba ayaa weerar hubeysan ku qaaday bar kontorool oo ay  ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana goobta dhacay is rasaaseyn dhexmartay labada dhinac. Ugu yaraan saddex ... Read More »

Booliiska Baxreyn oo la kulmay weerar xoogan.

Wararka ka imaanaya dalka Baxreyn ayaa tibaaxaya in maalintii shalay oo Axad ahayd ay la kulmeen ciidamo katirsan Booliiska dalkaas weerar qarax ahaa, kaas oo sida muuqatay lagu aasey hareerta wadada laamiga ah. Ciidamada la weeraray oo ku guda jiray roondo la sheegay in lagu sugayay Amaanka ayaa waxaa soo gaaray waxyeello kala duwan. War kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ... Read More »

Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha.

Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga arkayaa holac iyo qiiiq ballaaran oo ka baxaya Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo ah Suuqa bakaaraha, kadib markii uu dab xoogan qabsaday qeybo kamid ah Suuqa. Dabkan oo aan la ogeyn illaa iyo hadda waxa dhaliyay ayaa la sheegayaa inuu saacadba saacadda ka dambeyso sii fidayo, isagoona gebi ahaaanba baaba’iyay xarumo ganacsi oo ... Read More »

Qaraxyo waaweyn oo ruxay bartamaha magaalada Ximis.

Rag hubeysan oo watay suumanka waxlaha qarxa ay ka buuxaan ayaa weeraro xoogan waxay ku qaadeen xarumo nidaamka Nusayriga uu ku leeyahay magaalada Ximis ee dalka Suuriya. Sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah ee laga helayo weeraradan, waxaa ragga hubeysan ay weerareen xarunta maamulka iyo milliteriga magaalada Ximis, waxaana dhacay lab qarax oo aad u waaweyn kuwaas oo gallaaftay nolosha ... Read More »

Nidaamka Nusayriyga oo dad ku xasuuqay Dimishiq.

Diyaaradaha nidaamka iyo mallleeshiyaadkiisa ayaa ku kacaya gabood fallo waaweyn ooo ka dhan ah dadka Muslimiinta, waxaana muuqaneysa in maalmihii ugu dambeeyay uu nidaamku xooga saaray magaalooyinka iyo deegaanada dhaca duleedka magaala madaxda dalkaas ee Dimishiq. Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha Nidaamka maalintii shalay ay sawaariikh waaweyn ku garaaceen deegaan dhaca bariga magaalada Dimishiq, iyagoona halkas ... Read More »