wararka

Author Archives: cusmaan

Dowladda Imaaraadka oo dacwo rasmi ah ka gudbisay Tvga Aljazeera.

Tvga Aljazeera oo kamid ah tvyada ugu caansan caalamka ayaa wajahaya xamlo uga imaaneysa qaar kamid ah dowladaha carabta oo ay ugu tun weyntahay dowladda Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dacwo toos ah waxay u gudbisay Qaramada Midoobay oo ah  hay’adda ugu sarreysay ee dowladaha caalamka ay ka dambeeyaan, islamarkaana ay maamusho dowladda Maraykanka. Wasiirka arimaha dibadda dowladda Imaaraadka ... Read More »

Ciidamada Itoobiya oo lagu duqeeyay Garbahaaray iyo dagaal ka dhacay Muqdisho.

Guutooyiinka madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Wilaayada Gedo ayaa caawa waxay duqeyn ku garaaceen saldhig milliteri oo ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo. Duqeynta ayaa ahayd mid culus, waxaana ay socotay in muda ah, iyadoona ciidamada Itoobiyaanku la maqalyay qeyla dhaantooda. Madaafiicda lagu tuuray saldhiga Itoobiyaanka ayaa lagu soo warmaayaa iney gudaha u galeen saldhiga, taas ... Read More »

Deg-deg: Qarax baabuur oo lala beegsaday Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye iyo kuwa Bankraft.

Goordhow Qarax aad u weyn oo laga maqlay Muqdisho iyo deegaannada u dhow ayaa ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye ee AMISOM iyo ciidamada Maraykanku tababartay ee loo yaqaano  Bankraft. Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari miineysan oo la dhigay hareerta wadada, waxaana uu qarxay markii kolonyada Shisheeyuhu soo gaareen Siinka-dheer. ... Read More »

Qarax ka dhacay degmada Afgooye.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka oo ku sugnaa bar Kontorool oo ay dadka ku dhibaateeyaan ayaa goordhow waxaa lagu weeraray bambaanooyin. Goobjoogayaal u waramaya Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan, waxay sheegayaan in rag hubeysan ay bambo ku tuureen Kontoroolka ay ku sugnaayeen malleeshiyaad katirsan dowladda, kaas oo ku yaala degmada Afgooye oo qiyaastii 30KM galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. ... Read More »

Ciidamo katirsan dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday malleeshiyaad katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ku sugnaa isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan hal Askari ayaa la dilay, halka mid kalana dhaawac uu soo gaaray, kadib dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray Askarta iyo ciidamo katirsan Mujaahidiinta. Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerarka kadib waxay si ... Read More »

Maraykanka oo kordhiyay cuna qabateynta dhaqaale ee saaran Suudaan.

Iyadoo la filayay in maamulka Donald Trump uu cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Suudaan ka qaado, maadama awaamiir la dul dhigay ay Suudaan fulisay ayaa waxaa taas bedelkeeda uu qaatay Trump go’aan ah inuu sii kordhiyo waqtiga ay saarnaaneyso Suudaan cunaqabateynta dhaqaale. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in 3 bilood oo dheeri ah lagu daray waqtiga ... Read More »

Eng. Idiris oo Booriyay Wax Soo Saarka Dalka Kana Hadlay Duruufaha Ay Wax Ku Beertaan Reer Yurub. (Dhageyso)

Idiris Xassan Faarax oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa si qoto dheer u booriyay wax soo saarka beeraha dalka isagoo sheegay in Soomaaliya ay hodan ku tahay tacabka, taasoo haddii laga faa’iideysto hodan ka dhigi karta ummada Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in dadka Yurubta ku dhaqan ay duruufo adag wax ku beertaan maadaama cimiladoodu u badan tahay qabow, saasoo ay tahayna ay ... Read More »