wararka

All news

Qarax Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Baladweyne.

Wararka ka imanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weerar bambaano lagu qaaday ciidamada dowladda federalka ah. Weerarkan ayaa sababay dhimashada hal askari sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaana askariga dhintay ay miinadu u kala jartay laba qeybood. Maamulka magaalada iyo ciidamo gurmad ahaa ayaa goobta soo gaaray waxaana ay warbaahinta maxalliga ah ka cambaareeyeen ... Read More »

Degdeg: Dagaal Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

Dagaal ayaa galabta casar liiqii ka dhacay gobolka Shabeelaha dhexe kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federalka ah. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen koontarool ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degaanka Ceel-geelow oo u dhow degmada Balcad. IWararka horu dhaca ah ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan khasaare dhimasho iyo ... Read More »

Khasaare Kala Duwan oo Dowladda Kasoo Gaaray Weerar Ka Dhacay Jasiira.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta weeraray askar ka tirsan ciidamada dowladda oo hawl gallo dhir jaris ah ka waday degaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha hoose. Natiijada weerarkan ayaa noqotay sida tan:- waxaa dowladda laga dilay hal kaskari oo lagu magacaabi jiray Xassan Wiifow, hal gaari waa laga gubay iyadoo laga qaatay gaari kale sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ... Read More »

Warkii Ay Dowladdu Ka Baahisay Leego oo Beenoobay. (Sawirro)

Wasaaradaha gaashaandhigga iyo war-faafinta Dowladda Federalka ah ayaa maalintii shalay baahiyay war ay ku sheegeen in ciidamo kumaandoos ah oo la yiraahdo Danab ay burburiyeen saldhig ay Xarakada Al-Shabaab ku lahayd degaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose ayna ku dileen 10 dagaalyahan. Warkan isaga ay ayaa waxaa la socday sawirro ay ku sheegeen iney caddeyn u yihiin sheegashadooda kuwaasoo lagu ... Read More »

Dhagayso Warbixin: Buug laga yaabo inuu sabab u noqdo in Donald Trump Laga eryo Aqalka Cad.

Dab iyo caro, waa halkudhig lagala soo dhex baxay kitaabka munxarifka ah ee Injiil, taas oo Donald Trump uu adeegsaday hanjabaad uu jeediyay madaxweynaha kuuriyada Wuqooyi, balse maalina kuma fakarin inuu noqon doono ciwaanka buug gilgilay tiirarka Aqalka cad ee uu isagu madaxweynaha ka yahay. Dab iyo caro, gudaha Aqalka cad ee Trump waa ciwaanka buug cusub oo dhawaan soo ... Read More »