wararka

Wararka Dibada

Marayanka oo lacag dul dhigay hogaamiye katirsan hay’adda Taxriiru-Shaam.

Dowladda Maraykanka oo hogaamineysa dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta caalamka ayaa lacago malaayiin dollar ah waxay dul dhigtay hogaamiye sare oo katirsan hay’adda Taxriiru-Shaam. Hogaamiyaha lacagta la dul dhigay waxaa lagu magacaabaa Sheykh Abii Muxamed Al-Jowlaani waana hogaamiyaha milliteriga ee hay’adda Taxriiru-Shaam oo ah jamaaco cusub oo dhawaan looga dhawaaqay Suuriya ayna ku mideysanyihiin dhowr Jamaaco. Maraykanka ayaa sheegay in ... Read More »

Kuuriyada Koonfureed oo yeelatay Madaxweyne cusub.

Doorasho ka dhacday dalka Kuuriyada Koonfureed ayay shacabka dalkaasi ku doorteen madaxweyne cusub, kadib markii madaxweynihii hore lagu helay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Madaxweynaha la doortay oo lagu magacaabo Moon Jaay oo u tartamayay xisbiga Dimuqraadiga ee dhanka bidix ayaa helay codad gaaraya 41.4%, waxaana Natiijada doorasadaha lagu dhawaaqay maanta oo Arbaco ah. Madaxweynaha cusub ayaa khdubadii ugu ... Read More »

Donald Trump oo Shaqada ka eryay madaxii FPI-da Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku iclaamiyay inuu shaqada ka eryay madaxii hay’adda Sirdoonka FPI-da Maraykanka Jemes Commy. War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Comy uusan u qalmin hogaaminta hay’adan oo uu Trump sheegay iney kamid tahay hay’adaha ugu muhiimsan ee gudaha Maraykanka. Afhayeenka Aqalka Cad Spiser oo isagana dhankiisa hadlay wuxuu sheegay in Madaxweynuhu ... Read More »

Doorashadii madaxtinimada Faransiiska oo natiijadeeda lagu dhawaaqay.

Emmanuel Macron oo kamid ahaa Musharixiintii u tar tameysay talada dalka Faransiiska ayaa ku guuleystya inuu noqdo madaxweynaha rasmiga ah ee dowladda Faransiiska. Gudiga Doorashada dalka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in Emmanuel Macron uu helay codad gaaraya 65.5%, halka haweeneyda la tartameysay ee lagu magacaabo Loobaan taas oo heshay codad gaaraya 34%. Macron oo jeediyay khudbadiisii ugu horreysay tan iyo ... Read More »

Saddex Ruux oo lagu dilay dalka Maraykanka iyo tiro intaas kabadan oo la dhaawacay.

Dhacdo khasaare badan dhalisay ayaa laga soo sheegayaa dalka Maraykanka, kadib markii qof kaxeynayay Gaari uu jiiray dad ku sugnaa goob baabuurta lagu iibiyo oo ku taalla nawaaxiga magaalada Boston ee dalka Maraykanka. Sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska oo la hadlay warbaahinta gudaha Maraykanka, dhacdadan waxaa loo badinayaa iney tahya shil gaari oo aan ula kac u dhicin, waxaana ay ... Read More »

Qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo ka dhacay gobolka Abyan ee dalka Yaman.

Dalka Yaman wararka nooga imaanaya waxay sheegayaan in Qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu qaaday xarumo ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Xukuumadda taagta daran ee Yaman. Weerarada oo ahaa kuwa culus islamarkaana loo adeegsaday Qaraxyo iyo weerar toos ah waxaa lagu qaaday saldhiga ciidanka Booliiska iyo bar kontorool oo ku taalla magaalada Shaqra ee gobolka Abyan. Sarkaal katirsan ... Read More »

Dowladda Maraykanka oo qiratay in shacab ay ku leysay duqeymaha ay ka wado dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

War rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayay ku qirteen in boqolaal Ruux oo shacab ah ay ku dileen duqeymaha ka socoda dalalka Suuriya iyo Ciraaq tan iyo sanadkii 2014. Bayaan kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayay ku sheegeen in ugu yaraan 352 Ruux ay ku dileen sanadihii lasoo dhaafay duqeymaha diyaaradaha Maraykanku ka wadaan dalalka Suuriya iyo CIraaq ee ... Read More »

Kudhowaad 10 Ruux oo katirsan Difaaca Madaniga oo lagu dilay Suuriya.

Diyaarad ay leedahay dowladda Ruushka ayaa duqeysay xarun ay leeyihiin kooxaha difaaca madaniga ah oo ku taalla bartamaha dalka Suuriya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Diyaaradda ayaa si toos ah u beegsatay xarun ay leeyihiin kooxaha difaaca taas oo ku taalla magaalada KufrZeytaa ee gobolka Xammaah bartamaha dalka Suuriya. Ugu yaraan 8 Ruux ayaa ku dhintay ... Read More »