wararka

Wararka Dibada

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda oo Isbitaal loola cararay..

Bin Yamin Natanyahu oo ah ra’iisul  wasaaraha maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin ayaa si lama filaan ah waxaa loola cararay isbitaal, kadib markii xaalad caafimaad darro ay soo wajahday. Natanyahu ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa loola cararay isbitaalka Hadaasa ee ku yaala xaafadda Caynu-Karam ee Qudusta galbeed, ee ku jirta gumeysiga Yahuudda xagjirka ah. Saraakiil katirsan ... Read More »

Xuuthiyiinta Oo Sawaariikh Ku garaacay Xarameynka iyo Aala-Sucuud Oo u dacwooday Golaha Amaanka.

Malleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee maamula inta badan wuqooyiga dalka Yaman ayaa gantaallada ridada dheer waxay ku garaaceen magaalooyin katirsan dhulka Xarameynka oo ay ku jirto caasimadda Aala-Sucuud ee Riyaad. War kasoo baxay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta waxay ku sheegeen iney duqeeyeen saddex hadaf oo milliteri, kuwaas oo kala ah garoonka Al-malik Khaalid ee magaalada Riyaad, garoonka Abhaa ee Casiir, iyo saldhiga Jaazaan ... Read More »

Inkabadan 100 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Dab ka kacay Suuq ku yaala Ruushka.

Dhisamaha Mall ganacsi oo ku yaala dalka Ruushka ayaa dab uu qabsaday, waxaana ka dhashey khasaare baaxad leh oo uu la murugooday madaxweynaha Ruushka Faladamir Butin. Suuqa uu dabka ka kacay waxa uu ku yaalaa magaalada Kiimaroofo ee dalka Ruushka, waxaana dabkan oo ahaa mid ballaaran uu sababay burbur baaxad leh oo soo gaaray mallka, iyadoona ay dhimasho iyo dhaawac ... Read More »

Kumanaan Ruux oo kamid ah Dadka Quudhada bari Oo ka barakacay magaalooyinkooda.

Heshiis dhexmaray qaar kamid ah kooxaha mucaaradka iyo maamulka Bashaar Al-Asad ayaa sabab u noqday in kumanaan ruux oo kamid ah dadka degan Quudhada bari ay ka barakacaan guryahooda, islamarkaana usoo guuraan deegaannada xurta ah ee wuqooyiga Suuriya. Telefeshinka ku hadla afka nidaamka ayaa sheegay in kudhowaad 7000 oo ruux oo Reer Quudha ah oo ay ku jiraan qaar kamid ... Read More »

Malleeshiyaad hoostaga Imaaraatka oo billabay in dadka kasoo jeeda Wuqooyiga Yaman ku qasbaan iney isaga tagaan Koonfurta wadankaas.

Dowladda Imaaraatka oo si firfircoon uga howlgaleysa dalka ay colaadu ragaadisay ee Yaman ayaa ku dhaqaaqday tallaabo aan horay loo arag oo ku cusub shacabka mideysan ee dalka Yaman. Malleeshiyaadka Imaaraatka uu tababaray ee ka howlgala deegaannada koonfurta ee wadanka Yaman ayaa lasoo sheegayaa iney amar buuxa ku siiyeen dadka kasoo jeeda wuqooyiga balse ku sugan koonfurta in sida ugu ... Read More »

Trump: Sucuudigu waa dal hodan ah, Hantidoodana waxbay naga siin doonaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhaxalsugaha Aala-Sucuud Muxamed bin Salmaan ayaa ku kulmey aqalka looga taliyo wadankaas ee ku yaala magaalada Washington. Kulanka oo ay goob joog ahaayeen madax sar sare oo katirsan labada dal ayaa lagu falanqeeyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladda Maraykanka iyo maamulka Aala-Sucuud. Trump ayaa isagoo aad u faanaya wuxuu soo bandhigay boor ... Read More »

Inkabadan 30 Ruux Oo ku shahiiday Duqeymaha weli ka socoda Al-Quudha.

Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa mujrimka Bashaar Al-Asad ayaa weli duqeymaha cadowtooyo ee lagu xasuuqayo dadka muslimiinta ee aan waxba galabsan eek u nool deegaannada quudhada bari ee DImishiq. Duqeymaha oo si joogta ah uga socoda magaalooyinka kala duwan ee Al-Quudha ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxay dhimashada dadka muslimiinta ahi gaartay 31 ruux. 15 kamid ah dadkaas waxay ahaayeen ... Read More »

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Al-Qadaafi Oo sheegay inuu u tartamayo madaxtinimada wadankaas.

Seyful Islaam Al-Qadaafi oo kamid ah wiilasha uu dhalay kaligii taliyihii hore ee Liibiya Mucammar Al-Qadaafi ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inuu u tartamayo doorashooyinka madaxtinimada wadanka Liibiya. Ayman Buuraas oo ku hadlay magaca Seyful Islaam, isagoo jooga wadanka Tuunis ayaa sheegay in ina Qadaafi uu yahay qof xur ah, islamarkaana ku sugan gudaha dalka Liibiya, uuna go’aansaday ... Read More »

Butin Oo markii 4-aad noqday Madaxweynaha Ruushka.

Tirin horudhac ah oo lagu sameeyey codadka doorashooyinka dalka Ruushka ayaa muujineysa in Faladamir Butin uu ku guuleystay markii 4-aad inuu noqdo madaxweynaha Ruushka. Faladamir oo horay loo sahdaalinayay inuu ku guuleysan doono doorashooyinka ayaa helay codad gaaraya illaa iyo 70%, waana natiijo horey loo filayay. Mucaaradka wadanka Ruushka ayaa ku eedayay gudiga doorashooyinka inuu isdaba marin ballaaran ku sameeyey ... Read More »