wararka

Wararka Gudaha

Dhagayso: Hogaamiye sare oo katirsan Al-Qaacida oo ku shahiiday Aljeeriya.

Bayaan kasoo baxay goordhow mu’assasada Andalus oo ku hadasha Afka Alqaacidada Maqribul Islaam ayaa lagu xaqiijiyay istish-haadka hogaamiye sare oo katirsan Alqaacida, kaas oo lagu magacaabo Hishaam Abuu Rawaaxa. Hogaamiyaha lagu dhawaaqay istish-haadkiisa waxaa uu ahaa mas’uulkii warfaafinta ee Alqaacidada Maqribul Islaam. Halkan hoose ka dhagayso Khabarka Istish-haadka Sheekha oo deg deg ah.   Read More »

Xildhibaano Mucaaraday Magacaabista Eng Yariisow.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federalka ah ayaa si toos ah u mucaaraday tallaabadii dhawaan Yariisow loogu magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir. Xildhibaanadan oo kala ah Axmad Macallim Fiqi iyo Sakariye Maxamuud Xaaji oo meel madal ah ka hadlayay ayaa sheegay in aysan cadaalad ahayn in madaxda dowladda ay magacaabaan gudoomiyaha gobolka Banaadir gobolada kalana aysan magacaabi karin. Fiqi ayaa sheegay inaaney habooneyn ... Read More »

Sarkaal Ka Tirsan Puntland oo Gaalkacyo Lagu Dilay Iyo Amisom oo Gaari Looga Gubay Sh/dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa fiidkii magaalada Gaalkacyo lagu dilay sarkaal ka tirsan maamulka Puntland. Sarkaalkan oo kamid ahaa kuwa sar-sare ee sirdoonka ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax culus, sida aan kaasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay. Waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanlle Sare Faarax Ciise Samatar wuxuuna sidoo kale ahaa tababare dhanka sirdoonka. Xarakada Al-Shabaab ... Read More »

Sawirro+Dhageysi: Diiradda Jimcaha oo Lagu Soo Qaatay Munaasabad Ka Dhacday Sh/hoose.

Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo usbuuciiba maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan islamarkaana aad uga barateen mawaadiic muhim ah ayaa waxaa maanta lagu soo qaatay munaasabad ka dhacday gobolka Sh/hoose, taas oo lagu soo xirayay machad aqoontooda kor loogu qaadayay ducaad da’yar oo laga soo xulay degaanada Sh/hoose. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, culimo, indheer ... Read More »