Deg deg: Dayuuradaha Kenya Oo Duqeeyay Tuulo Barwaaqo.
Dayuuradaha dagaalka ee Kenya ayaa maanta duqeeyay degaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo ay burbur ka geysteen.
Dadka shacabka ah ee degaanka ayaa inoo sheegay inuu Allaah ka badbaadiyay madaafiic tira badan oo lagu garaacay, balse ay geysteen burbur.
Kenyaatiga ayaa si gaar ah u beegsaday masjidka iyo iskuulka degaanka, laakin nasiib wanaag, qofna ma aysan joogin xilliga duqeynta.
Dadka waayeelka ah iyo caruurta ayaa waxaa soo wajahay qalqal iyo cabsi maadaama ay maqleen dhawaqa hub culus oo aysan xamili karin.Kenyaatiga ayaa dhibaato weyn ku haya bulshada Gedo wixii ka dambeeyay dhacdadii Ceel-cadde, waxaana la yaab leh ineysan jirin cid ka hadleysa arrintan, halka marka Kenya weerar laga geysto aad arkeyso in afka labadi la yeerayo.