Gaari Xamuul Ah Oo Ciidamada Shisheeye Looga Gubay Sh/hoose.

02Gaari xamuul ah oo ay galbinayeen kolonyo gaadiidka dagaalka ah ayaa ciidamada shisheeye looga gubay wadada xiriirisa degmooyinka Baraawe iyo Buulo-mareer ee gobolka Sh/hoose.

Gaarigan oo u muuqanayay inuu bar tilmaameed u ahaa askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gabi ahaanba burburay kadib markii lala helay hub aad u culus.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in gaariga, agabkii saaarnaa iyo askartii la socotayba ku kala firdhadeen wadada laamiga ah, waxaana dhacday in shisheeyuhu muddo rasaas ridayeen.

Gaarigan xamuulka ah ayaa kusii jeeday degmada Baraawe halkaasoo uu geyn lahaa sahay ciidan oo uu kasoo qaaday magaaalda Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.