Xildhibaan Sheegay Iney DF iyo Ciidamada Shisheeye Ku Fashilmeen Ammaanka. (Dhageyso)

c samadIyadoo wasiirka amniga ee DF uu hor tagay Baarlamaanka islamarkaana dhaliilo kulul loo jeediyay, ayaa waxaa muuqanaya in xildhibaanada Baarlamaanku si weyn uga walwalsan yihiin halista kaga imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Cabdisamad Macallim Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada horayna usoo noqday wasiir arimo gude ayaa sheegay in DF iyo ciidamada shisheeye si rasmi ah u fashilmeen.

Wuxuu sheegay in ay dowladda usoo hoyatay nasiib darro marba haddii barqo cad isgoyska KM4 lagu dilay wasiirkii hore ee gaashaandhigga sidoo kalana la weeraray degmooyinka Afgooye iyo Lafoole oo khasaare ba’an loogu geystay DF.

Halkan Ka Dhageyso Xildhibaan Cabdisamad

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.