Cabdi Diiriye Cigaal”Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ahaa Basaas ushaqeeya Itoobiya”(Maqal)

ismaaciil-cumar-geeleOlalaha doorashada Jabuuti ayaa ka socota dalka waxaana ku tartamaya rag uu kamid yahay maaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle.

Mucaaradka Jabuuti ayaa sheegaya in cadaadis xoogan ay kala kulmayaan dowladda.

Waxa ay ku eedeeyeen ismaaciil Cumar Geelle oo lamid ah musharaxiinta kale inuu adeegsanayo awood dowladeed lana caburiyay taageerayaasha Mucaaradka kuwaasi oo xitaa aanan kireysan Karin guryo ay ku shiraan.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soomaaliya usoo diray Ciidamo ka bar bar dagaalama shisheeyaha Itoobiya kamid tahay.

Cabdi Diiriye Cigaal oo ah siyaasi yaqaana taariikhda ismaaciil Cumar geelle ayaa sheegaya in ismaaciil uu katirsanaa ciidamadii sirdoonka Dowladii Hore isagoo basaas u ah Itoobiya.

Waxa uu sheegay in dowladii siyaad barre ay xirtay balse mar danbe la iska sii daayay isagoo laga saaray taliskii sirdoonka.

Cabdi Diiriye ayaa sheegay in Ismaaciil uu cadaadis ku haya shacabka islamarkaana cid kasta oo kasoo hor jeesata ka dhigay wax uu dilay iyo wax uu xiray.

Itoobiya iyo Reer galbeedka ayuu sheegay ismaaciil inay ku hayaan wadanka Jabuuti.

Ugu danbeyntii Cabdi diiriye waxaa wax laga weydiiyay waxa uu ku sifeyn karo ciidamada loo bixiyay Hiil walaal ee Jabuuti ka jooga Wadanka Soomaaliya.

Dhageyso Wareysiga Cabdi Diiriye Cigaal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.