Dad udhashay Dalalka Turkiga iyo Azerbaijani oo ku dhintay Weerar ka dhacay Muqdisho.
Waxaa sii kordhaya qasaaraha uu sababay weerar shalay lagu qaaday gaari ay la socdeen dad udhashay dalalka Turkiga iyo Azerbaijani kaasi oo marayay Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
afar qof oo udhashay wadanka Turkiga iyo Muwaadin kasoo jeeda dalka Azerbaijani ayaa ku dhintay weerarka iyo sadex qof Soomaali ah.
Weerarka oo ay gaysteen xoogag hubaysan oo usuurtagashay inay baxsadaan ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 ruux oo shan kamid ah ay yihiin Turkish halka ruux kalana uu ahaa nin udhashay dalka Kenya.
Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu laayay shaqaalaha Turkiga.
Ammaanka Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana si joogta ah magaalada kaga dhacaya weerarada ka dhanka ah ajaaniibta.
Weerarka shalay dhacay ayaa fadeexad ku ah Maamulka Gobalka Banaadir oo lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho.