Degdeg:Dagaallo iyo Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Muqdisho.

alshabaabWeeraro kala duwan oo ka dhan ah Ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida ee Dowladda Federaalka  ayaa caawa ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Qaraxyo ka dhashay tiro bam gacmeedyo ah ayaa lagu weeraray Ciidamada Booliska ee Ku sugan Laanta Towfiiq ee Muqdisho.

Dhawaqa qaraxyada ayaa si weyn looga maqlayay goobaha ka ak dhaw halka la weeraray.

Qaraxyo kale oo bam gacmeedyo loo adeegsaday  ayaa ka dhacay  saldhig Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin baar ayaan ee Muqdisho.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamada Bs-ta.

Labadaasi dhacdo marka laga tago waxaa caawa sidoo kale Muqdisho ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen ciidamada Sirdoonka Dowladda ee ku sugan Maxkamadii hore suuqa xoolaha ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hubka cullus.

Waa habeenkii labaad oo shabaabul Mujaahidiin  howlgallo ka fuliyeen qeybo kamid ah Muqdisho.

xalay ayay ahayd markii weerar lagu qaaday ciidamo ku sugan biyo dageenka Muqdisho.

Qaraxyada iyo dagaalada caawa dhacay  ayaa kusoo aadaya xili maanta laamaha ammaanka dowladu sheegeen inay qabteen bam baanooyin iyo qaraxyo gaari laga soo buuxiyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.