Diyaarad Dagaal oo Mareykanka uga soo dhacday dalka Afqaanistaan.
Diyaarad dagaal oo nooceeda lagu sheegay F16 Islamarkaana ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee duullaanka gardarada ah ku qaaday dalka Afqaanistaan ayaa kusoo dhacday gudaha dalkaas, saacado kadib markii garoon ay diyaaraddu ku sugneyd ay weerar Sawaariikh loo adeegsaday ku qaadeen Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan.
Afahayeen u hadlay wasaaradda dagaalka Xukuumadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in habeenkii Talaadada ay diyaarad F16 kusoo dhacday Xerada Milliteriga Bagram ee dalka Afqaanistaan, halkaas oo diyaaraddu markii hore ka duushay.
Sida uu sheegay Afahayeenkan waxaa baaritaanno xoogan lagu wadaa qaabkii loo ogaan lahaa waxa keenay iney soo dhacdo diyaaradan islamarkaana ay burburto, isagoona intaas ku daray in lasoo badbaadiyay Duuliyihii diyaaradda.
Saaacado ka hor inta aysan soo dhicin diyaaraddan waxaa Imaarada Islaamiga ah gaar ahaan ciidamadeeda Jugta culus weerar Sawaariikh loo adeegsaday ku qaadeen saldhiga Bagram ee ay caanka ku yihiin Ciidamada Mareykanka ee ku duulay dalka Afqaanistaan laguna tiriyo inuu yahay Saldhigooda ugu weyn ee dalkaas ay ku leeyihiin.
Mowqica Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in dhwr Saaruukh ay gudaha u galeen Xerada Milliteriga Bagram, waxaana la filayaa in khasaare lixaad leh halkaas lagu gaarsiiyay Ciidamada Shisheeyaha Mareykanka iyo kuwa Nato.