Koofur Afrika “waa il ku hurud ilna ka soo jeed”
Wadanka koofur afrika dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu laayaay soomaali fara badan kuwaasoo ay beegsadeen burcad aan dowladooda baqdin weyn ka qabin.
Dad badan ayaa laga qaatay wixii ay lacag haysteen kadib markii la dilay kuwana waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah.
Qatarta ka imaaneysa qowleysatadu waa mid weli taagan waxaana tuulooyinka lagu arkaa soomaali badan oo ganacsanaysa geesta kalena ilaalo iska haya si ay uga nabad galaan kuwa cadawga ku ah.
Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee koofur Afrika ku ganacsada ayaa wareysi ay xalay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in ay aad u taxadeeraan xaalkooduna uu marayo ilna ku hurud ilna ka soo jeed